Suldaan Xasan Oo Ku Baaqay In Lagu Dedaallo Ka Hor-tagga Cudurka Covid_19

0
657

Hargeysa (Geeska) – Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa Bulshada uga digay halista xanuunka Coronavirus, waxaanu ugu baaqay inaan la dhayalsan ee lagu dedaalo sidii looga hor-tagi lahaa.

Suldaanka Guud ee Subeer Awal,  Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xanuunka Coronavirus maaha xanuun sahlan oo la dhayalsan karo, mana ah xanuun caadiya, ee waa xanuun aafo ah, oo aynu aragno sida uu Adduunkii u kala xidhay, ee dhayalsiga iyo dayaacadda ha la iska ilaaliyo, oo aad ha looga digtoonado Coronavirus, oo wacyigelinta ay Xukuumaddu wada dadku ha qaatan, ka hor tagista ayaana ka wanaagsan daawaynta, ee ha la dignoodo wax kasta oo fududayn kara in xanuunkani ku fidi karo, Xukuumaddu aad u dadaasho, oo wacyigelinta yaanay kala jarin mar qudha,  ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu inaga badbaadiyo xanuunkan”.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay bisha Ramadaan, waxaanu ku taliyey in la badiyo cibaada iyo ALLE ka cabsiga, waxaanu soo jeediyey in dadka danyarta ah wax la taro, oo loo gargaaro, sadaqadana la badiyo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here