Turkiga Oo U Sacabo Tumay Kulankii Addis Ababa Ku Dhex Maray Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo & Tallooyinka Uu Ku Xoojinayo Wada Hadalada

0
667

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkey ayaa si weyn u soo dhawaysay kulankii bishii February ee sanadkan Addis Ababa ku dhex maray madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Safiirka Turkey u fadhiya magaaladda Muqdisho Mehmet Yilmaz, oo waraysi ay al yeelatay idaacadda VOA, ayaa mar la weydiiyay wada hadaladii uu Turkigu odayga ka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi  “Dhawaan waxaa dhacay horumar aad muhiim u ah, oo ku saabsan mawduucan. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Itoobiya. Raali gelin baa dhacday.

Tani waxay ahayd horumar taagan, oo aad u wanaagsan. Turkigu wuxuu horumarkaasi u arkaa mid aad u muhiim ah. Gaar ahaana raali gelintii madaxweynaha Soomaaliya iyo weliba aqbalaadiisii arrintan, waxaan u aragnaa in ay tahay natiijo wanaagsan, oo ka soo baxday kulankaasi. Tani-na waxay ahayd mid lagama maar-maan ah”.

“Keliya waxay u baahan tahay in la isku duba-rido, oo la dhamaystiro. Maxaa yeelay? Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu leeyahay dhinacyo kala duwan. Sida siyaasadda iyo warbaahinta oo kale.

Sidoo kale, waxaa jiri kara heerar aqoon yahano. Laakiin, waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in doorkayagu yahay dhex-dhexaadin. Sidaas darteed, waxaan mar walba leenahay dadka hawshan qaban doona, hagi doona, ee isku duba-ridayaa, waa dhinacyadda uu wadahadalku u dhexeeyo.

Anagu keliya waxaan joognaa booska dhex-dhexaadinta ah”ayuu yidhi danjiraha Turkiga u jooga Muqdisho.

Ambassador Mehmet,  waxa kaloo uu sheegay in dawladoodu ay u aragto in muhskiladaha Afrika ka jira ay xalintoodu khusayso dawladaha Afrika, sidaas darteedna iyagoo taas ka duulaya ama tixgelinaya in Somaliland iyo Soomaaliya looga baahan yahay in ay iyagu hawsha hagaan.

Inkastoo uu xusay in ay jiraan tallaabooyin ay qaadi karaan iyo soo jeedimo arrintaas la xidhiidha. “Waxaanu u aragnaa arrintani, aragtida ah mushkiladaha Afrika, xalkeedda waxaa leh Afrika.

Aad baanan taa u danaynaa, oo aan u soo dhawaynaynaa. Anagoo taas ka duulayna, ayaan dhinacyadda ka rabnaa in ay anaga na hagaan. Dabcan, anagu tallooyin iyo soo jeedin ba waanu ku lahaan karnaa.

Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, in iyadoo la eegayo horumarrada wadahadaladan, ayaa safiirkii aniga iga horeeyay Olgen Biker, inta uu yimid, uu mar kale la kulmay dhinacyadda.

Anagoo eegayna horumarka ka soo baxay kulamadaas, ayaa waxaan tixgelinaynaa in aan qiimayno jawaabta naga soo gaadhay dhinacyadda. Waxaanan qaadi doonaa tallaabooyin kale oo arrintan ku aadan”.

Geesta kale dawladda Turkey ayaa ah tan taageerrada ugu balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh siisa dawladda federaalka Soomaaliya, sida dhinacyadda tababarrada iyo dhismaha ciidamadda, mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha gar-gaarka bani’aadan-nimadda.

Hase yeeshee waxaa marar badan dhacday in ay jireen cabashooyin iyo eedaymo ay dawladda Turkiga u jeediyeen qaar ka mida maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xataa jamhuuriyadda Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here