Siyaasiyiin Ku Baaqay In Wax Laga Qabto Xaalad Ka Soo Korodhay Sanaag

0
1152

Hargeysa (Geeska) – Masuuliyiin ka tirsan Axsaabta Qaranka, Barlamaanka iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan Jabhadda lagaga dhawaaqay Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in wakhtigan aan dalka looga baahanayn jabhado iyo wax la mid ah, si gaar ahna Xukuumadda ayey baaq ugu direen.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Wasiirka Dakhliga ayaa laga rabaa inuu soo af jaro hawshan jabhadda, wakhitgan xadirka ahna Jabhado dalka loogama baahna, Corono ayaa lala dagalamayaa ee ma Jabhado ayaanu la dagalaanaa, wakhtigii jabhadaha waa laga soo gudbay, Wasiirka Daakhiliga ayaana laga rabaa inuu jabhadaha meesha ka saaro, haddii kale Jabhadani waxay ka dhigan tahay Dawladdii Soomaaliya ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseena ka ahaa Raysal-wasaaraha, Yaasiin Nuur Xasana ka ahaa Wasiirka Daakhiliga, Budhcadana loo mari kari waayey Galkacayo iyo Garoowe, ee Wasiirka Daakhiligu ummadda ha ka qabto Jabhada coladdii Ceel-afweyn in wax lagu qaato ayey ahayd, ee noqon mayso daakhiliga ayaan fadhiyaa, ee Wasiir Maxamed Kaahin ayaa looga fadhiyaa inuu Jabhadan wax ka qabto”

Siyaasi Daamur oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Gobolka Sanaag, wuxuu ahaa Gobol muddo dheer ay dhibaatooyin ka taagnayeen, dhibaatooyinkaas oo muddooyinkii dambe laga soo kabanayey, ayaa haddana Jabhad lagaga dhawaaqay, anigu horena waan u sheegay, imikana waan sheegayaa, ee Jabhad imika dhalatay, iyo Jabhad hore u dhalatay midna inooma wacna, Gobolkuna maaha dib u socod inuu noqdo, ee waxaa looga baahan yahay inuu noqdo Gobol la jaanqaada Gobollada kale ee dalka, waxaa loo baahan yahay in adeegyada horumarinka iyo mashaariicda horumarinta ee dalka in laga fuliyo, waxaa loo baahan yahay in Deegaanadii dagaalladu ka dhaceen ee muddada dheer colaaduhu ka jireen in horumar la gaadhsiiyo, oo adeegyada aasaasiga ah ee arrimaha bulshada in la gaadhsiiyo, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo wixii la mid ah, sidaas darteed Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabato Jabhadan dilaacday, ee marnaba looga baahan in iska daawato, ta kale bishii ramadaan ayaa inoo soo galaysa, dalkana iyo dadkana ma qaadi karaan dagaal iyo colaad iyo dihbaatooyin loo horseedo, ee ciddii talaabo khaldan qaadda waa in sharciga la marsiiya, oo sharciga wax lagaga qabta, cid kasta oo wax tirsanaysana waa inay si salmiya oo sharciya wax u doonta, laakiin dagaal iyo colaad midna waxba laguma qaado”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Maanta oo xanuun Adduunkii ka jiro in haddana Somaliland Jabhad laga sameeya, waa ayaan-darro ee Boqorrada iyo Madax-dhaqameedada waxaan leeyahay dalkan loogama baahna Jabhado, dalkuna ma qaadi karo Jabhadlo mar kale laga sameeyo, ee dadka ha loo tudho, oo ha lagu dadaalo sidii looga wax looga qaban lahaa xanuunka Coranaha, ee dadkii dhibta ku haya, Boqor Buuramdawna waxaan leeyahay mar kasta wanaaga ka shaqee”.

Siyaasi Jaamac Shabeel oo isna arintan ka hadlaya yidhi “Marka la fikirayo waxaa haboon in sida ugu wanaagsan loo fikiro, talaabo kasta oo la qaadanaya ka fiirsi ayey leedahay, ee iyadoo maanta laga baqayo Coronavirus, maaha in la yidhaahdo Jabhad ama Jabhado ayaanu samaynay oo lagu faano, iyadoo la isku hayo noloshii umadda iyo sidii loo maarayn lahaa iyo waliba sidii looga hor tagi lahaa xanuunka Coronavirus, waa caqli xumo in Jabhado lagu dhawaaqo”

 

Geeska.net/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here