Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Shahaado-sharaf Guddoonsiiyey Duuliye 1988-kii Diiday Inuu Hargaysa Duqeeyo

0
512

Axmed-dheere Wuxuu Geeska Afrika uga warramay siduu diyaaradda ula baxsaday iyo go’aankiisii Xilligaa

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa habeen hore Magaalada Hargeysa Shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey Kornayl Axmed Maxamed Xassan (Axmed-dheere) oo ka mid ahaa duuliyeyaashii waday diyaaradihii dagaalka ee Dawladda Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Kornayl Axmed Maxamed Xassan (Axmed-dheere) oo dhalasho ka soo jeeda Dalka Soomaaliya ayaa sannadkii 1988-kii diiday inuu qaato amar ahaa inuu diyaaraddii dagaalka ee uu waday ku duqeeyo Magaalada Hargeysa isla-markaana uu xasuuqa Dadkii Maatida u badnaa ee ka qaxayey duqaymihii ay ku haysay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, sidaasi darteed ayaa loogu Maamusay Shahaado-sharaf.

Kulanka Shahaado-sharafta lagu guddoonsiiyey oo lagu qabtay Xarunta dhaqanka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Kornayl Axmed-dheere lagu waydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidha xasuuqii ka dhacay Somaliland, Go’aankii uu ku qaatay inaanu ka qayb-qaadan Xasuuqaasi iyo su’aalo kale oo badan.

Axmed-dheere oo ugu horrayn ka ja jawaabaya su’aal laga waydiiyey wuxuu ka aamisan yahay wixii ka dhacay Somaliland sanadihii sideetamaadkii inuu ahaa Xasuuq iyo in kale ayaa yidhi “Boqolkiiba boqol Xasuuq buu ahaa (Wixii ka dhacay Somaliland), keligayna kama War qabo oo Dad badan kaa ka war qaba arrintaas, diyaaradaha waxa ka tiro badnaa Madaafiicda (lagu garaacayey Hargeysa), laba Habeen baan seexday Hargeysa, xitaa habeennimadii way socdeen Madaafiicdu.”
Axmed-dheere waxa kale oo uu sheegay inaanu rejo badan qabin in Hargeysa ay noqon doonto sida ay Maanta tahay marka uu ku miisaamo sida xaaladdeedu ahayd xilligii duqaymuhu ku socdeen “Maalintii aan laba Bambo ka qaaday Garoonka ee aan kala baxay halkaa iyo Jabuuti, Magaaladana aan xaaladdeeda ogaa rejo badan ma qabin, haddana Qofna Muslimka ah Rejo kama dhamaato, mar kasta waan aaminsanaa inuu Nasriga Ilaahay imanayo, laakiin wakhtigaa tiiraanyo badan baa niyadayda ku jirtay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo Waraysi gaar ah oo uu Wageyska Geeska Afrika siiyey ku soo faahfaahiyey siduu ula socday xaaladda dagaalka u dhexeeyay SNM iyo Siyaad Barre iyo waxa keenay in la dalbado diyaarado duqeeya Hargeysa “Anigu waxaan joogay Balli-doogle, dagaalka kor ayaan kala socday, waayo? waxa isku xidhnaa Raadiyaha (Ciidanka) ee Balli-doogle iyo Hargeysa. Wakhtigii u dambaysay maaddaama oo Magaaladii la isla soo galay oo Jabhaddii Magaalada ku jirto waxa loo baahday in Bambooyin la isticmaalo. Diyaaradihii hore halkan u yaallay ma qaadanayn Bambooyin, dabadeed waxa loo yeedhay annaga oo laba ah, laba diyaaradood oo Xamar yaallay oo Bambooyinka qaadi kara ayaa la yidhi qaata (Kexeeya) si loogu isticmaalo Guryaha iyo Meelaha lagu jiro ee la isku qarin karo, sidaas baanu halkan ku nimid Aniga iyo Diyaarad kale, laakiin Anigu intaa xaggaa joogayba go’aankaygu wuxuu ahaa in aanan hawshaas fulin, markii dambana waxa ila fiicnaatay inaan diyaaradda Jabuuti la tago.”

Waxa kale oo uu sheegay Axmed-dheere “Tobankii Subaxnimo ayaanu ka kacnay Garoonka diyaaradaha Hargeysa, waxaanu u kacnay dhinaca galbeedka Magaalada, dabadeedna waxaanu u leexanay dhinac Midig, si aanu Bambooyinka ugu tuurno Magaalada, laakiin anigu markiiba waxaan u jihaystay dhinaca Jabuuti, markaas ayaa la ii yeedhay, laakiin waxaan iska damiyey Raadiyaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka warramay waxa dhacay markii uu Jabuuti gaadhay “Waxa ii daarmay (Saacadda Shidaalka sheegta) 400 litir markay ka hadhsan tahay waa inaad degtaa, markaa waa inaan Ama diyaaradda ka boodaa ama raadsado meel aan diyaaradda ku dejiyo, waxa Ilaahay ii sikhray inaan arko meel badda iyo berigu isku galaan oo siman, sidaas baan ku degay, kalluumaysto ayaan helay, waxa ka dhawayd Magaalada Tajoora, laakiin Kalluumaysatadii ayaa I keenay Jabuuti, dabadeedna Dawladdii Jabuuti si wanaagsan ayay ii soo dhaweeyeen..”

Geeska.net/Hargeisa Office