Ma Muuqato In Aad Wareejin Doonto, Dalkii Midaysnaa Ee Midigta Lagaa Galiyey” Maxamuud Xaashi

0
324

Hargeysa (Geeska)  Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Warqad furan oo talo-bixineeed la wadaagay madaxwayne Muuse Biixi. Maxamuud Xaashi ayaa qoraalka talo-bixinta madaxwaynaha ku socotay kaga hadlay xaaladaha wadanka ka jira, kuwaas oo ku tilmaamay in ay yihiin masiibo qaranka ku habsatay. Siyaasi xaashi ayaa ka hadlay arimaha siyaasada cakiran, doorashada, colaadaha, dhaaqale xumidda wadanka iyo sixirbararka.

Dhanka kale, siyaasi xaashi wuxu madaxwaynaha war-qadan ugu soo jeediyey in madaxwaynuhu dhagayso talooyinka dadka xalka haya ama hogaamiyaasha bulshada, wuxuna tusaale u soo qaatay Suldaan Maxamuud Guleed mire oo dhawaan talooyin so jeediyey.

War-qadadda maxamuud Xaashi oo dheerayd, ayaa u qornayd sidan taas oo ay ku jiraan talooyin badan oo madax-waynaha ku socta.

“Mudane Madaxweyne, ma muugato in aad wareejin doonto, dalkii midaysnaa ee midigta lagaa galiyey, Maalintii aad talada dalka haaneeday, ee 13-ki Deeember 2017-kii.

Nasib darro, in kasta oo dalweynihi Somaliland, uu kala qaybsamay. Ma aaninsni in ay dani ku jirto, in duul laan iyo dagaal dib loo qaado. Laakin, dantu maanta waxay ku jitaa in aad xoojiso difaca, iyo dib u dhiska cidankii qaranka, ee niyad-jabka iyo nolol xumadu ku dhacday. Kuwaas oo aanad docdooda daymoon, sidii ay u xagal daeen.

Si kastaba ha ahaatee, maandhow dubaqaaga iyo dareenkaaga geli, in dowladnimadu tahay khaatumada, sida camaladuba u yihiin cidhib-dambeedka.

Haddaba, waxaan kugula talinavaa in aad xoog saarto, xilliga gaaban ee ka dhiman muddo-xileedkaaga, sidii aad isugu hayn lahayd hambada soo hadhay, dalkana aad uga qaban lahayd Doorosho  xor iyo xalaal ah oo lagugu xasuusto,

Haddi aad ku guulaysato xaqiijinta, labadan hal xidhaale ee maanta ku horyaal, waxaa hubaal ah in aad heli doonto, khayr iyo khaatumo wanaagsan. Taas oo khasada ka bin karta , adiga iyo umadaada khajilsan, ee khataraha badani ku xeeran yihiin.

Dhinaca  kale, Mudane Madaxweyne, bulshada aad madaxwaynaha u tahay, boqolkiba sagaashan ma qabaan badhaadhe, ee waxaa biyo-dhigay busarad, sicir-barr, baahi ballaadhan iyo shaqo la ‘aan baahsan.

Sidaa darteed, dadkaaga darxumadu haysaa waxay kaaga baaban yihiin in aad ka badbaadiso mar dambe muran sivaasadeed oo madhalays ah, iyo musiibo colaadeed oo mashruuc laga dlhigto.

Madasweyne, haddii aad mus-cirirta qaranka ka moosi weydo mushkiladahan  aan ka digayo, waxaad  u muqan doontaa in aad muraad ka leedahay, oo weliba milil dushii lama dhayo’e aad maanka ku hayso, meeraalaysi. mindi-nindi ku taag, ivo muddo korod?si, aan maata kuu meel mari doonin. Dardaaran waa inta la nool yahay’e, waar hooy, dlhug iyo dhayo u yeclo, dhanbaalada kaaga imanaya dadka faraha badan ee ku dhisay, ee aan jeclayn dhaxalkaaga iyo dhitadaada xun. Kuwaas oo uu u danbeeyay Suldaan Maxamuud Guileed Mire oo shalay la hadlay warbaahinta.

Ugu danbayn, mudane Madaxweyne, guushaada ha ka jirin ee hohe la jir. Geba-gebada geeddig? aad gadh-wadeenka ka tahaya, si wacan u gardaadi, isla markaana guul-galkiisa u gurya-gee, si aan godobi kaga raacin. Go’i waaye, garwaqso in aanay ahayn guusha siyaasaddu, imisa guu baad wax xukuntay?. Balse, guushu waa galadaha aad gaadho, ivo gedda aad wax u xukunto. Madaxweyne, ha ka dhiidhiyin dhaliilaha laguu jeediyo, iyo dhawaaqyada kaa dhanka ah. Haseyeeshee, waxaad ka dhiidhidaa, dhibaatooyinka dadkaaga ku dhan, ee dhaqale xumidu lafdhabarta u talay, iyo dhiillooyinka colaadeed ee dhulka qaar ka aloosan.

Allalayow talada noo hagaaji, tubta toosana nagu hanuuni”

Maxamuud Xaashi Cabdi SINNA TAIYO  Gudoomiyala Urur Siyaasadeedka KAAH