Suldaan Maxamed Oo Ku Taliyay In Salaadiintu Soo Afjarto Khilaafka Xukuumadda Iyo Mucaaradka

0
511

suldaanHargeysa (Geeska)– Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka dhex aloonsan Mucaaradka iyo Xukuumadda, Shirka Qaran ee ay ku baaqeen Isbahaysiga Mucaaradku iyo hanjabaada Xukuumadda, waxaanu ku taliyey in dalka iyo dadkaba dhib aan loo horseedin, waxaanu sheegay in aanay dadku qaadi karayn dhib iyo dagaalo, waxaanu ku baaqay in khilaafkan oo salka ku haya muddo xileedka Xukuumadda iyo muddo kordhinta in dib loo eego, oo cidii khaladka leh khaladkeeda la tuso.  Suldaanka oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale sheegay in khilaafkan soo afjaristiisa ay door muhiim ah ka qaadan karaan Salaadiinta Somaliland, “Dalka dib dhib loogu gaysan maayo, dadkan Axsaabta iyo qoladan Madashu Salaadiin bay leeyihiin, Dawladdu waa tii Somaliland dooratay, wixii dhibaato ah ee ay samaynayso inta ay Salaadiinta iskugu yeedhaan ha u sheegaan, dabadeed anaga ayaa markaas Xukuumadda la hadli,waana sida kaliya ee aynu ku kala badbaadi karno, haddii kale Gole Guurti baa jira, haddii aanay Guurtida ku kalsoonayn ha u yeedhaan Salaadiintooda oo ha yidhaahdan dhibtaas ayaa jirta, ee wax ha laga qabto, mana dhici karto Axsaab iyo Guddi bilaa Salaadiin oo socda, wax walbana Madax bay leeyihiin oo Madax meel ka saraysa oo la taabtana ma jirto, waxa aan ku talin lahaa Salaadiinta in laga qayb galiyo, ilayn dalkan wax bay ku leeyihiine” Suldaan Maxamed ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta iyo khilaafkan Axsaabta iyo Xukuumadda ayaa yidhi “Waxaaba la isku haya muddo yar, waana xal basiid ah, lamana gaadhin wakhtigii, waxa la kordhiyeyna waa wax qoraal ah, oo la isla garanaayo, cidii muran ka keenaysana runtaa loo sheegi. Haddii ay Xukuumadda noqoto  ilayn iyaga ayaa ina yidhi Saddexda Xisbi Qaran waxa aanu ku heshiinay qoraalada ay qeexeen, ee lagu soo qoray Warbaahinta, markaas wixii ay isla afgarteen cida dafiraadi ku jirto, waa in cid dhex dhexaad ah loo saara, waxaana run ah in Salaadiintu ay yihiin bilaa xuduud oo aanay Xisbina ka tirsanayn, wixii mushaakil ah ee ku iman kara, ayeynu ka hor joogsan karnaa, way jiraan qaar Axsaab la soo saftaa, laakiin imika xaaladu markay adag tahay oo ay muran joogto, waa inay iyagu kala saaran dadka”. Suldaan Maxamed Cabdiqaadir mar uu ka hadlayey Shirka Qaran ee ay ku baaqeen isbahaysiga Mucaaradku ayaa yidhi “Waxa aan horta leeyahay aanu is aragno Labada Xisbi Mucaarad iyo Madasha, Shirka Qarana marka aanay Salaadiini dhex fadhiyin qabashadiisa cilad ayaa ka soo bixi karta, markaas waxa aan kula talin lahaa marka hore Salaadiinta ha u yeedhaan, oo Xukuumaddu haddii ay khaldan tahayna waanu la hadli,khaladku haddii uu xagooda yahayna waanu ka qaban, laakiin haddii aynu nidhaahno xabad ayeynu iskugu jawaabi taas ma qaadi karno”.