SBI Oo Lacag Ka Soo Baxday Barnaamijkii Cab Oo Sadaqadayso Gudoonsiiyey Xarunta Agoomaha

0
614

SBIHargeysa (Geeska)-Shirkada Sharaabka  Coca Cola ee   SBI  ayaa Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa gudoonsiyey Lacag dhan 15345-doolar, waxaana Lacagtan ay Shirkada SBI ay gudoonsiiyey Xarunta agoomahu ay ka soo baxday barnaamijkii ay bilawday  bishii Ramadaan ee ahaa cab oo sadaqadayso.  Munaasibadii Lacagtan lagu wareejinayey oo si weyn loo soo agaasimay ayaa shalay ka dhacday Xarunta SBI ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Madaxa hawlgelinta Shirkada SBI Mustafe Cismaan Geelle, Masuuliyiin ka tirsan Shirkada SBI, Madaxa ka socotay Xarunta Agoomaha iyo marti sharaf, waxaana ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay Madaxa hawl galinta warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geelle waxaanu faah faahin ka  bixiyey barnaamijka ay Shirkadu hir gelisay iyo Lacagta   ka soo xarootay barnaamijkan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“ Waxaanu Maanta (Shalay) halkan ku soo bandhigaynaa natiijadii barnaamijkii aanu bilawnay ramadaan bilawgeedii kaas oo ahaa cab oo sadaqadayso, kaas oo macnaheedu ahaa in caagad walba oo sharaab ah oo ay soo saarto SBI aanu Konton Shillin uga jaraynay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, waana Sannadkii labaad ee aanu barnaamijkaas, waxaanan aad ugu faraxsanahay in waxoogaa ay ka badatay wixii aanu rajaynayn. Waa Sannadkii labaad ee aanu barnaamijkaas qabano lacag dhan $ 15345 ayey lacagtii noqotay halka ay sannadkii hore ka ahayd $14000, waxaanan u mahad celinayaa macaamiisha faraha badan ee SBI kuwaas oo ka qayb galay barnaamijkan fadliga badan meel kasta oo ay joogaan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa shaqaalaha SBI ee dedaalka faraha badan galiyey wacyi gelinta barnaamijkan, waxa kale oo aan u mahad celinaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta kuwaas oo mar walba nala barbartaagan taageeradooda wixii aanu ugu baahano, xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa oo ah meel dhalinyaro fara badan oo aan baahidooda la dabooli karayn ay joogaan, kuna jirta goobaha ugu muhiimsan ee dad jilicsan wax lagu tari karo.”  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey Shirkada SBI oo uu sheegay inay ku talaabsatay barnaamij kheyriya, madaama ay keentay barnaamij ay ku caawinayso, lacagna ku siinayso Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanu ILLAAHAY uga baryey inuu u barkeenayo ganacsigooda, waxaanu sidoo kale tilmaamay inay Shirkada SBI ay mudan tahay ku dayasho, waxaanu sidoo kale ka waramay qiimaha iyo muhiimada ay Diinteena suubani siisay Agoonka iyo ajarka uu helayo qofka wax tara.  Dhanka kale Siciid Cabdi Gaboobe oo ka mid Masuuliyiinta Xafiiska samofalka madaxtooyada  oo isna ka hadlay Munaasibadaas ayaa ku mahad celiyey masuuliyiinta shirkada SBI waxaanu sheegay in deeqdan lacagta ah ee u soo baxday xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa ay wax badan ka tari doonto baahiyaha ka jira xaruntaasi. Ugu danbayntiina Maamulaha hawl galinta shirkada sharaabka ee SBI (Somaliland Beverage Industries) Mustafe Cismaan Geele ayaa masuuliyiinta xarunta agoomaha halkaas ku gudoonsiiyey lacagtii uga soo xarootay barnaamijka shirkadu baahisay ee Cab oo Sadaqadayso.