Suldaan Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Kiiska Haweenay La Sheegay In La Dilay Oo La Sii Daayay

27
614

Picture4Haryeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ooda ka qaaday dad tiradoodu ka badnayd afartan oo muddo u xidhnaa kiis dil ah oo laba toddobaad ka hor ka dhacay xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa.

Dadka la siidaayey oo u xidhnaa kiiska haweenay ka soo jeeda Beesha Gabooye oo wakhti habeenimo ah lagu dilay xaafadda Daami, ayaa la soo daayey ka dib markii guddi odayaal iyo waxgarad ah oo kala matalaya beesha Gabadha dhimatay iyo beesha loo aanaynayo dilkaasi loo xulay inay ka wada hadlaan soo afjaridda kiiskan oo markii uu dhacay qulqulatooyin ka dhex abuuray laba jilib, kuwaasi oo isku dhacoodu habeeno badan saamayn taban ku yeeshay ammaanka xaafadda Daami iyo xaafadaha ku teedsan.

Odayaasha iyo waxgaradka loo saaray inay kiiskan dilka ah xal ka gaadhaan, ayaa kulankoodii u horeeyay isla gartay in la soo daayo dadkii ciidamada ammaanku u xidh-xidheen geerida haweenayda, sida uu sheegay Suldaan Maxamed Muuse Nuur (Suldaan Abu Sufyaan), oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beelaha Gabooye oo xalay khadka Telefoonka Geeska Afrika ugu waramay.

Suldaan Abu Sufyaan, oo ugu horeyn ka hadlaya guddida loo saaray kiiska dilka haweenayda iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa yidhi “Gabadhii dhimatay, akhyaarta reerkii arrinka loo aanaynayey waanu kulanay oo  si sharfan oo wanaagsan  ayay noo qaabileen, si aad u qiimo badana waanu u wada hadalnay, guddi-baana la saaray, guddidaa waxa loo saaray, in dadkii la dejiyo oo walaaltinimo ayaa ka dhaxaysee walaaltinimo laga dhex dhaliyo, in nabadgalyadii laga wada shaqeeyo, in dadka wixii kiiskan u xidhan la soo daayo (Dadka La Siidaayey), reerkii dhiiggan loo aanaynayey ee la lahaa way qabaana wakhti la siiyo, muddo ay ka soo baaraan deggaan si ay ama dhiiggii u qaataan oo ay yidhaahdaan waanu qabnaa, ama ay diidaan oo ay ka dhaartaan”

Suldaan Maxamed Muuse Nuur (Abu Sufyaan), waxa uu ku taliyey in kiiskan dhanka Caddaalada laga eego “Dhacdadan dhacday waxay tahay in dhanka Caddaalada laga istaago, sidaa waxaan u leeyahay warbaahinta waxaan ku arkayey hadallo badan oo aan haboonayn” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan ku darayaa oo aan ku talinayaa, dadku waa dad walaalo ah’e laga daayo wixii colaadda sii hurinaya ee beelaha halkan degga (Daami) dareenkooda hoos u dhigaya ee quusta galinaya, kuwa kalena cuqdada ugu beeraya”

Suldaan Abu Sufyaan, waxa uu dadka beelaha Gabooye ee ay ka soo jeeday haweenayda la dilay u soo jeediyay inay iska daayaan hadallada colaadda keenaya isla-markaana dhibaatada ammaan daro horseedi kara, maadaama oo ay yihiin muwaadiniin dalkoodii ku nool, lana mid ah beelaha kale Somaliland.

Suldaanka oo ka mid ah waxgaradka ka shaqeynaya kiiska Alle ha u naxariistee haweenayda la dilay, ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo daayey laga reebay askari ka mid ahaa dadkii loo xidhay dilka haweenayda, loona sheegay in isaga si gaar ah loola Macaamilayo, maadaama oo uu yahay askari.

Dadka xal u helidda kiiskan ku hawlan, ayaa waxa kale oo ka mid ah Suldaan Iid, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beelaha Gabooye.

 

Comments are closed.