Maraykanka Iyo Hindiya Oo Diblomaasiyada Isku Seegay

41
705

Picture5Dalalka India iyo Maraykanka ayay xiisadi soo dhexgashay, taas oo la xidhiidha xadhiga Diblomaasiyad Hindiyad ah oo lagu xidhay magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Devyani Khobragade ayaa la sheegay in la xidhay kadib markii ay been ka sheegtay shuruudaha Fiisaheeda (Visa). Waxaana lagu eedeeyey inay lacag yar siisay shaqaalaha Maraykanka ah ee u shaqeenayey.

Talaabadaas xadhiga ah ayaa si weyn uga cadhaysiisay dawladda Hindiya. Hindiya waxa ka dhacay mudaharaado lagaga soo horjeedo xadhiga gabadhan. Dawladda Hindiya ayaa qaaday talaabo diblomaasiyadeed oo jawaab ah, waxaanay safaaradda Maraykanka ee New Delhi ku taala ka gurtay kaabadaha ammaanka suga iyadoo la geliyay cagafyo kaabadahaas gura si ay u cadaato inaaanu ammaanka safaaradda Maraykanku sugnayn. Sidoo kale waxa ay dawladda Hindiya baajisay kulan ay shalay la yeelan lahayd wefti ka socda aqalka Baarlamaanka Maraykanka oo booqasho ku tagay dalkaas, sidoo kalena waxa kaadhadhka aqoonsiga laga ururiyay diblomaasiyiinta safaaradda Maraykanka. Tallaabooyinkan ayay dawladda Hindiya sheegtay inay kaga jawaabayso xadhiga loo gaystay gabadhooda diblomaasiyadda ah oo lagu hor xidhay dugsi ay gabadheedu dhigato oo ku yaala magaalada New York.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay baadhitaan ku sameynayso xadhiga haweenaydan diblumaasiyada ah, waxaanu Maraykanku sheegay inaanu doonayn in xadhiga gabadhaasi uu xumeeyo xidhiidhka labada wadan.

 

Comments are closed.