Saddex Dhakhtar Oo U Dhashay Siiriya Iyo Soomaali La Socotay Oo Lagu Laayay Muqdisho

32
792

Picture3Muqdisho(Geeska)-Rag hubaysan ayaa deegaanka Siinkadheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxa ay ku laayeen dhakhaatriir ajaaniib iyo Soomaali isugu jirta oo ka howl galayay isbitaalka Fiqi.

Ugu yaraabn ilaa 6-qof ayaa ku geeriyooday weerarkaasi oo sadax kamid ah ahaayeen dhakhaatiir ka soo jeeda dalka Siiriya, halka sadaxda kalana ay ahaayeen Soomaaliya midkood uu ahaa dhaqtar, labada kalena ay kala ahaayeen darawalkii gadhiga u waday iyo  mid ilaaladooda ahaa.

Sido kale dhakhaatiirtan u dhashay dalka Siiriya ee la laayay ayaa ka tagay magaalada Muqdisho waxayna kusii jeedeen cisbilaaka Fiqi xaruntiisa oo ah duleedka Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in kooxaha weerarka gaystay ay wateen gaadhi nuuca loo yaqaan Noah ayna in mudo ah wareegayay inta u dhaxeysa Cisbitaalka iyo laamiga Siinkadheer markii ay arkeen gaadhiga dhakhaatiirta wadayna ay ku horgooyeen gaadhiigooda kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen.

Dableyda dilka u gaystay dhakhaatiirta u dhashay Siiriya iyo kuwa Soomaalida ah ee la socday ayaa la tilmaamay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi gaadhay ciidamo iyo saraakiil katirsan dowlada oo ka sameeyay baadhitaano aan wali la shaacin waxa ka soo baxay.

Ugu danbeeyntii ilaa hada ma jiro cid sheegatay masuuliyada weerarkan lagu dilay dhakhaatiirta ajaaniibta ah iyo sabbata loo dilay.

 

Comments are closed.