Suldaan Ismaaciil Oo Ka Dayriyay Xaaladda Siyaasadeed Ee Uu Dalku Maanta Marayo

51
3903

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Ismaacil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee dalka islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan golaha guurtida, ayaa ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee uu dalka JSL maanta ku suganyahay.

Suldaan Ismaaciil, oo shalay hadal ka jeediyay fadhigii golaha guurtida ee dalka, wuxuu sheegay in Somaliland marayso xaaladii siyaasadeed ee ugu adkayd, waxaanu soo jeediyay in la yeesho talo qaran si looga badbaado dhibaato.

Suldaanka oo ugu horayn ka hadlaya xaaladda dalka ayaa yidhi  “Xaalada dalku uu maanta marayaa abidkeen meel aynu istaagnay maaha meel adag adag ayuu dalku marayaa, markaad ka eegto siyaasada dibada iyo gudaha, gaar ahaan nabadgalyada gudaha waa markii kowaad dalka JSL jabhad reer Somaliland ah ka dhex abuuranto oo ay ciidan ku dhex samaysanto oo ay ciidanka qaranka ka baxaan oo ay meel fadhiistaan oo sidaas ay inoo soo eegaan, waa markii koowaad ee madaxweynaha Puntland uu yimaado magaalooyin ka mid ah Somaliland oo uu ku qabto shirkiisii golaha wasiirada, waa markii koowaad ee laga bineeyo xarun baarlamaan oo ay Puntland leedahay gobalo ka mid ah Somaliland dhexdeeda, waa markii koowaad ee shaqaaqo ka dhacday Somaliland oo dad reer Somaliland ah la xalin kari waayo oo meel kale loo raro ama gaabis dawladeed ha noqoto ama awood daro ha noqoto.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dalku u muuqdo in la go’doomiyay“Siyaasadii dibada in albaabada laynoo soo xidhay ayaad moodaa dawladii Itoobiya ee aynu gacan saarka la lahayn meel kale ayay qabsatay, hadaan runta la sheegina wax lama qabto, xanuunka haddii aan la garana dawada lama helo, waxayaabahaas aan sheegayaa waa xanuun dalka ku yaala una baahan in daawo laga helo, xaalada dalku waxay taagan tahay heerkii golaha guurtidu uu faraha la gali lahaa in si mug leh loo galo ayay maanta u baahan tahay in dusha laga salaaxo uma baahna.”

Ugu danbayntii waxa uu xildhibaan Ismaacil sheegay in dalku u baahan yahay talo qaran“Waxaan soo jeedin lahaa in arimahan talo qaran laga galo waxa jira heshiis khaatumo la’la galay oo aan wali dhamays tirnayn oo isaguna deldelan oo aad moodo inuu bam nukliyeer ah yahay oo aanan isagana garanayn goor uu qarxaayo,arinta doorashooyinka laysku haysto in xal loo helo waa lagama maarmaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here