Xildhibaano Ka Hadlay Dagaalka ololaha diblomaasiyadeed Ee Somaliya Ku Hayso Somaliland

51
3785

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay dagaalka Dublamaasiyasadeed ee Somaliya kula jirto Somaliland, is-bedelka siyaasadeed ee Geeska Afrika, heshiiska iskaashi ee Wadamada Elatariya, Somaliya iyo Itoobiya,qaraarkii ay Somaliya ku doonaysay in cuna-qabadaynta hubka laga qaado ee u suurtagali weyday iyo waxaa la gudboon Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wuxuu yidhi “Hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, waxaana cad in Dawladda Somaliya deg degayso,isla markaana aanay waxba ka fiirsan, iyada oo amaanka Somaliya aanay si fiican u wada sugin, oo waliba aynu ka war hayno in aanay ka wada talin Muqdisho, ayey haddana isku qaaday wax aanay ka baxayn, oo ah in cuna qabadaynta hubka laga qaado, oo waxay isku dhararinaysaa Dawladdo dhinac kasta ugu awood badan, balse cuna qabadayntii hubka ee ay Dawladda Somaliya damacsanayd in laga qaado, suurtagal may noqon, waxaana xaqiiqo ah in haddii laga qaadi lahaa cuna qabadaynta hubka inay ka sii dari lahayd, waxaan se Qaramada Midoobay ugu mahadnaqaynaa talaabadaas ay kaga hor istaageen”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal aan looga talin Somaliya, waa dal aan hoos iman Somaliya, waa dal madax banaan, oo horena u ahaa dal jira, imikana jira, Dawlad kasta oo timaada Somaliya, xasidnimo iyo xumaan bay Somaliland ku haysaa, balse taas waxba inagaga qaadi mayaan, ee inaga waxa la inooga baahan yahay inaynu isku tashano,Beesha Caalamkuna wey ka dharagsan tahay in Somaliland iyo Somaliya ay kala madax banaan yihiin, oo ay kala yihiin laba dal oo kala duwan, ee waxaa la gudboon in aanay Ictiraaf buuxa na siiyaan”

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna wuxuu yidhi “Somaliya xasilooni iyo amaan buuxa kama jiraan, haddii hubka loo fasixi lahaana amaankeedu faraha ayuu ka sii bixi lahaa, diidmadaas la diiday dalabkeedana waan soo dhaweeynayaa, balse Elatariya in cunaqabadaynta laga qaado aad baan u soo dhaweeynayaa”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey iskaashiga wadamada Itoobiya, Somaliya iyo Elatariya ayaa yidhi “Weynu aragnaa in isbahaysi iyo iskaashi dhexmaray Somaliya, Elatariya iyo Itoobiya, waxaana cad in is bedelo siyaasadeed uu ka dhacay Wadamada  Geeska Afrika, laakiin is bedeladaasi waa mid ay ka hurudo Dawladda Somaliland, waxaana cad in Dawladda Somaliya ay dagaal dublamaasiyaseed ay kula jirto Somaliland, balse ay Xukuumadda taladda dalka hayso ay ka hurudaa, taas oo u muuqata in aanay ilaa hadda dagaalkaas dublamaasiyadeed ee Somaliya inagu wado in aanay ka hor tagin, waxaana cad in Dawladda Somaliya rabto inay godoon ku rido Somaliland, oo albaab kasta ka soo xidho, waxaa kale oo iyana wax aad loola yaabo iyo fashilaad siyaasadeed ah in dad reer Somaliland ah, oo dalkoodii dagaal ku dhexmaray,  meel ka baxsan Somaliland in lagu heshiisinayo,ceeb ka weynina ma jirto, Xukuumadda Muuse Biixina haddii aanay siyaasadeeda arimaha Guddah iyo Dibaddaba aanay wax badan ka bedelin culays intan ka sii badan iyo fashilaad intan ka sii badan baa inagu dhacaya, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumadduna aanay si siman ugu cadaalad sameeynin Shacab weynaha reer Somaliland, waxaana dhab ah in ilaa hadda sicir bararkii waxba laga qaban, waxaa dhab ah in Xukuumaddani qabyaaladii sii kordhisay, markaas Madaxweyne Muuse Biixi waxaa la gudboon inuu dib u saxo waxyaabaha khaldan ee dalka ka taagan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here