Cabdiweli Gaas Oo Ay Dantu Ku Qasabtay Inuu Si Rasmi Ah U Aqbalo Xabad Joojinta Colaadda Tuko-raq Oo Uu Hore U Diiday

21
3638

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u aqbalay xabad joojin iyo inaanu dagaal dambe ka dhicin jiidda Tukaraq ee gobalka Sool. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Madaxweyne Gaas, ayaa soo jeedintan ka aqbalay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom oo dhawaan isaga dab qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe. Mr. Gaas ayuu warku sheegay inuu ergayga u cadeeyay inuu si rasmi ah u aqbalay soo jeedin dhawr goor oo hore uu ka diiday ergaygii hore ee Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating iyo IGAD oo ahayd in Somaliland iyo Puntland aqbalaan soo jeedin ah in la sameeyo xabad joojin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu dhawr goor oo hore cadeeyay inuu aqbalay soo jeedinta Qaramada Midoobay, IGAD iyo Maraykanka oo ka koobnayd saddex qodob oo uu ugu muhiimsanaa xabad joojin rasmi ah. Laakiin Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas soo jeedintaas xabad joojinta ku xidhay shuruud ah in ciidamada qaranka Somaliland ka baxaan tukoraq.

Sida ay wararkani sheegeen Madaxweyne Gaas, ayaa hadda si rasmi ah u aqbalay soo jeedintaas uu hore u diiday. Lama hubo laakiin in telefoon lagu wada hadashiiyay Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Gaas.

Dagaalo kala duwan oo deegaanka Tukoraq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, ayaa waxa ku dhintay ciidamo labada dhinac ah, waxaana ku baro-kacay qaar ka mid ah dadweynaha deegaankaas ku nool.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in aqbalaadda xabad joojinta ee Cabdiweli Gaas ay sabab u tahay xaaladda siyaasadeed ee maamulkiisa haysata, waxaana la ogyahay in ciidamo ka tirsan kuwa uu ugu tallo galay tuko-raq ay iyagoo ka gadoodsan mushahar la’aan dhawr goor sameeyeen gadood ciidan oo ay mar kula wareegeen madaarka Garowe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here