Suldaan Galaal Oo Ka Jawaabey Hadalkii Wasiir Warncade

0
648

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen (Galaal), ayaa wasiirka arrimaha gudaha, ka waaniyay hadalada adag ee uu ku naqdiyay mucaaradka Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay qandaraas ka soo qaateen dawladda Somaliya.

Suldaan Galaal oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu sheegay in hadalka wasiirku u muuqdo mid bulshada ka degi waayay, “Wasiirka waxaan leeyahay Koonfur inaynu wax gayno mooyee, koonfur oo aan jirinba ayaa Somaliland lacag u soo diraysa oo burburinaysa, arrintaas wax cad ma haysaa, inaynu lacag u dirnaabaan eegayee, inay inoo soo dirto lacag ay inagu burburiso wax cadayn ah ma haysaa.” Ayuu yidhi Suldaanku, isagoo intaas raaciyay, “Markaad leedahay lacag ayaa loo soo diray inamadan yaryar, iyadoo ay yihiin Xasan ciise, Maxamed Xaashi, Dhegaweyne iyo qoladan Waddani, waxay dhisteen ayay burburinayaan wax macquula maaha, cadayn ayaa abti wasiir halkaas lagaa rabaa, haddii kale xaal baan kaa bixiyay. Nimankaas ayuu inan yar oo reer Muqdisho ahi wax u soo diraya oo nabadgelyadeedna khalkhal gelinaya waa wax aad iyo aad dadka uga degi waayay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Haddii cidi khatar ku keenayso Somaliland waa meel kale, maaha kuwan, hadday jirto lacag la soo dirayaa targetka ayaa kaa halaabay ee waa meel kale, xagga bari daymada inoo eeg, maaha xaggan, anigu ismaan lahayn xamar ayaa goortan lacag laga soo dirayaaye, hadaladii aad habeenadii dhawayto ku hadlaysay waanu fajacnay.”

Suldaanku, wuxuu sheegay in awooda la saaro dhismaha jidka Berbera ee dekedda ka soo baxa, kaas oo ka muhiimsan jidka Ceerigaabo, “Bebera ayaan tagay, waxaanan is idhi gaadhiga ma ka lugaysaa. Adeer tan sameeya horta, tani [Ceerigaabo]  ha inoo dambaysee, tan dekedda Berbera maxaa loo samayn waayay, sannadkii ayuu gaadhi marayaa [Jidka Ceerigaabo] ama tobankii cisho ayuu hal gaadhi maraa.”