Guddiga Wanaag Farista Oo Baaq Iyo Waano Ka Soo Saaray Xaaladda Dalku Marayo

0
677

Hargeysa(Geeska)-Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa baaq ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan:

“Guddida Wanaag Farista oo isku xilsaartay ilaalinta anshax fiican iyo nabada dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxa ay dhamaan Bulsha-weynta reer Somaliland u soo jeedinaysaa baaqaan Xukuumad iyo Shiciba.

Waxaa dalkan ka socda Muran adag oo lidi ku ah hanaankii fiicnaa ee kala dambaynta lahaa ee aynu ku soo caano maalnay, markaa waa in waayeelka dalku uu eekaa danka guud ee aanu dalka dan yar-yar oo gaara oo kooban u dumin una kooxaysan.

Iyada oo Haweenkeenu Milgo iyo Karaamo iyo Anshax fiican lagu yaqaan waxaa soo baxay maalmahan hadalo taag-taagan oo warbaahintan casriga ah la isku marinayo, arinkaasi oo sharaf dhac inagu wada ah markaas ha ka waantowdo warbaahinta Somaliland maqal iyo muuqaalba inay baahiso Yooyootankaa, haweenkuna waa in aanay adeegsan warbaahinta iyaga oo cid kale aflagaadaynaya waa arin ku xun xag Diinteena iyo xag Dhaqankeenaba.

Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Somaliland ah inuu nabada ilaaliyo hadalada turxaanta leh ee qaran dumiska ahna laga ilaaliyo warbaahinta.

Qofku xaq ayuu u leeyahay inuu sheegto tabashadiisa xag Diineed iyo xaga Dastuurka dalkaba, haddana waxaynu nahay dad Muslim ah oo erey walba lagala xisaabtamo markaa Cayda, Qof-dilka, Beentu dhamaan waa inaga Xaaraan ee qofku mar walba xaqa iyo sharafta ha ilaaliyo.

Dalkeenu meel fiican ayuu marayaa dhibaatooyin baddana waa aynu ka soo gudubnay, wax badanina waa dhiman yahay, ee ha la xasuusnaado mar walba inta waayo ina soo maray, oo yaan dib loo laaban.”