SONYO Oo Maal-galisay 70 Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Meherado Ganacsi Samaystay

0
600

Picture3Hargeysa (Geeska) – Dallada ay ku midoobeen Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa shalay Munaasibad balaadhan oo ay ku qabatay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, 70 dhalinyaro ah ku guddoonsiisay lacago lagu Maalgalinayo Ganacsiyo kala duwan oo ay dhalinyaradu abuurteen.

70-ka dhalinyarada ah oo ka kala socday lixda Gobol ee Somaliland, ayaa dhammaantood ku guuleystay tartan loo galay Mashruuca lagu dhiirigalinayo Ganacsiga dhalinyarada dalka qaarkood abuurteen, si looga taageero inuu horumar sameeyo ganacsiga ay samaysteen, waxaana Munaasibaddii shalay dhalinyarada lagu guddoonsiiyay lacagaha SONYO ugu talo-gashay inay ku kobciso ganacsiyadooda cusub.

Munaasibadda SONYO lacagaha ku siisay dhalinyarada tartanka dhiirigalinta Ganacsiga ku guuleystay, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cali Siciid Raygal, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Xoghayaha fulinta ee dawladda ee Hargeysa Mowliid Aaden Waris, Guddoomiyaha Dalladda SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Marti sharaf kale oo tiro badnaa.

Guddoomiyaha dalladda Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Mubaarik Ismaaciil Taani, oo ugu horeyn xafladda Ka hadlay ayaa sharaxay Mashruucan lagu horumarinayo ganacsiga dhalinyaradu samaysay, waxaanu yidhi “Waxa Farxad noo ah inaanu Maanta (shalay) halkan ku abaal-marino 70 dhalinyaro ah oo ka soo kala jeeda Gobollada Somaliland oo dhan, oo ku guuleystay Maalgalin ganacsi oo ay muddo u soo tartamayeen, aad ayaanu ugu faraxsanahay oo ay sharaf noogu tahay annaga iyo Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo hawshan muddo soo maamulaysay iyo hay’adda IOM, intaba farxad weyn ayay u tahay, dhalinyarada Somaliland-na wax weyn ayay u tahay”

Guddoomiye Mubaarik Ismaaciil Taani, oo sharaxaya dhalinyarada tartanka ku guuleystay ayaa yidhi “ 70-ka dhalinyarada ahi waxay isugu jiraan 42 Wiil iyo 28 Hablood, oo dhammaantood soo galay tartan dheer oo caddaalad ah, oo sinnaan ah oo qorshe hufan oo soo bandhigid ah, oo ay ku muujinayeen awoodda ay u leeyihiin inay maamuli karaan ganacsi, inay yeelan karaan, shaqeysan karaan, dadka shaqaaleysiin karaan, qiimaynta ay ku soo baxeen 70-ka dhalinyarada ah waxa hormood ka ahayd Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, gaar ahaana Wasiir Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo aanu si weyn ugaga Mahad-celinaynaa isaga iyo Hay’adda IOM iyo SONYO, dhalinyarada waanu uga mahad-celinaynaa samir badan iyo dedaal ayay muujiyeen, karti badan ayay muujiyeen, qorshe hufan oo shaqo abuur keenaya ayay keeneen”

Guddoomiye Taani, waxa kale oo uu sheegay “Tartankaa waxa kula jiray dhalinyarada Gobollada Somaliland oo dhan, Wareegii hore 120 dhalinyaro ah ayaa isku soo hadhay, 120-kaa dhalinyarada ah dhammaantood waxaanu siinay tababar ku saabsan Maamulka Ganacsiga, maareynta khilaafaadka, hogaaminta ganacsiyada yaryar iyo xisaabaadka toolmoon, haddana dhammaantood dib waxay u galeen tartan qiimayn ah, waxaanu ku guuleystay 70-ka dhalinyarada ah ee maanta (shalay) ina soo hor-fadhiya, markaa waxaanu leenahay 70-ka dhalinyarada ah Hambalyo, waanu ku faraxsanahay in dedaalkaa dheer ka dib aad maanta (shalay) midhihiisa aragtaan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhalinyaradu waxay soo bandhigeen ganacsiyo iyo qorshayaal hufan oo wata bayaano iyo qoraalo caddeynaya sida ay u maamulayaan ganacsigooda, ee ay wax ugu tari karaan naftooda, qoysaskooda iyo guud ahaa dhalinta reer Somaliland, runtiina waxay ahayd tijaabo wanaagsan oo aanu u aragno tallaabo hore loo qaaday”

Guddoomiyaha SONYO, waxa uu sheegay in aanay ka hadhayn dhalinyarada loo Maalgaliyey ganacsigooda ee ay la sii shaqeynayaan “SONYO iyo wasaaradda shaqadu halkaa kaga hadhi-maayaan oo waxaanu jecelahay inaanu la sii shaqeyno oo aanu barbar taagnaano, tababarro iyo caawimo kaleba aanu siino”

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa uu sharaf ah inaan halkan bogaadin uga soo jeediyo Dalladda SONYO, oo ah Dallad jirta oo tayo leh, kuna dedaala waxqabadka dhalinyarada iyo inuu intii karaankiisa ah u fidiyo, xukuumaddana waxa ka go’an sidii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa ee loo hawlgalin lahaa, sidii loogala dagaalami lahaa Tahriibta iyo shaqo abuuris loogu samayn lahaa”

Wasiirka Dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal, oo isaguna Munaasibaddan ka hadlay ayaa ammaanay dalladda SONYO iyo hay’adaha gacanta dhaqaale ka geystay Maalgalinta, waxaanu yidhi “Arrintani waxay muujinaysaa laba arrimood, ta koowaad in horumarkii waddanka, fikirkii horumarka dhalinyaradu inuu socday oo uu meel maray, qodobka labaad, in dhalinyaradu wax qabsan karaan, oo wax abuuri karaan, iyo inay fikirkooda ku horumarin karaan mustaqbalkooda, hore waxaan idiinku sheegay in shaqadu ay ku jirto fikirka dhalinyarada ee aanay ahayn wax meel yaala ama qofka hadyad ahaan loogu keeno”

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isagu soo gabogabeeyay Munaasibaddan, ayaa yidhi “Waxaan ILAAHAY ku mahadinayaa inuu midho dhalay shirkii kal hore halkan (Huteelka Ambassador) ka dhacay ee lagu doortay Mubaarik Ismaaciil Taani ee uu Guddoomiyaha SONYO ku noqday ee Madaxwaynaha JSL ka soo qayb-galay, in siyaasadii dhalinyarada ee ay u soo gudbiyeen Golaha Wasiirrada, SONYO iyo Wasiirka dhalinyarada ee la ansixiyey, Madaxwaynuhuna saxeexay ay midho dhashay, in dedaalkii dhalinyarada iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu uu midho dhalay”