Suldaan Cumar Oo Magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Shirweynaha Beesha Arab

2
521

Picture3Hargeysa (Geeska) – Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa ku dhawaaqay Gudida Qaban qaabada Shir Dhaqameed ay beeshaasi dhawaan qabsan doonto.

 

Xaflad habeen hore lagu qabtay magaalada Hargeysa, oo ay ka qayb galeen haldoorka beesha Arab, ayaa Suldaan Cumar, wuxuu kaga dhawaaqay guddi qaban qaabo oo uu sheegay inay ka shaqayn doonto diyaarinta shirkaas iyo hawlihiisa. “Arrintan aynu isugu nimid waa mid aynu wada leenahay, waana mid aynu ku doonayno in ay ku gaadhno horumar.” Ayuu yidhi Suldaanku, isagoo raaciyay, “Waxa aan doonayaa in aan halkan kaga dhawaaqo shir ay beeshu yeelan doonto guddidii qaban qaabada.

Guddidan aanu soo xulnay waxa ay diyaarin doontaa sidii uu shirku u qabsoomi lahaa, wixii ku adkaadana waxa ay kala tashan doonaan odayada iyo wax garadka.

Magacyada guddiga uu Suldaan Cumar, iclaamiyay ayaa kala ah:

Cabdiraxmaan maxamuud caraale

Cabdilaahii cabdi dalmar

Maxamuud xuseen xirsi

Axmed Ibrahim

Eng maxamed cabdi

Faysal cabdi xasan

Ibrahim maxamuud axmed (Guraase)

Cali cabdi xasan (Abushaxar)

Cabdiladiif xaji xasan

Jaamac koosaar axmed

Cabdirisaaq maxamuud xayd

Haybe Maxamed Ubaxle

Axmed Ibrahim Caydiid

Maxamed Maxamuud Aden (Adhiile)

Xuseen Cabdilaahi Dacar (Geesh)

Cabdikhaaliq Sheekh Axmed

Maxamed Cabdi Gardaase

Axmed Xasan  Aadan

Cabdirisaaq Maxamuud Xarbi

Comments are closed.