Suldaan Aaden Oo Shacabka Kula Dardaarmay Xoojinta Nabadgelyada

32
2907

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa ku taliyey in Doorashada si fiican oo xor iyo xalaal ah loo galo, oo laga digtoonado in nabadgalyo daro dhacdo.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo Musharixiinta tartamaya, waxaanu amaan iyo mahadnaq u soo jeediyey Ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxaanu yidhi “Maanta horta meel wanaagsan baynu maraynaa, oo waxaynu nahay umad Doorashooyin hore soo galay, oo waa taas sidii Dawladdaha horumaray aynu daawnaynay nimanka musharixiinta ahi sidii ay u doodayeen, halkaana waxa lagu soo gaadhay dadaalka shacabka, markaas aynu ilaashano nabadeena, cidii soo baxdaana waa cid wadanka u dhalatay, mar haddii aynaan maanta cid kale doorayn, oo sanduuqii madawaa iyo sanduuqii caddaa midna aanu jirin, oo sankii la inaga mudayey aanu jirin, waa in wanaaga la ilaaliyo, oo islaanimada la ilaaliyo, oo kalgacalka iyo walaaltinimada la ilaaliyo, anigoo runtii u mahadnaqay dadweynaha oo qalbigoodu wanaagsan yahay, anigoo u mahadnaqay Culimada oo si fiican uga hadlay, oo doorkii ay ku lahaayeen ka qaatay, haddii nabada wax la yeelana nin kasta oo maslaxada dalka ku leh, maslaxadu u jiri mayso”.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan ka digaya in dhibaato dhacdo, waxaana ka digayaa in Madaxda la weeraro, oo Madaxdu waa waxaynu u halgamayno, Raggana maalmaha soo socda mid ka mid ah raggan tartamaya ayaa Madaxweyne noqon doona, markaas shacabka ha isku duubnadaan, oo Madaxda ha la ilaaliyo, oo ha la xaq-dhawro, waxaana aad iyo aad u bogaadinayaa Booliskeena iyo guud ahaan Ciidankeena kale duwan, oo runtii ilaalinta amaankeena doorka ugu weyn ka qaata, ALLE ka sakaw”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here