Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo xilal wasiirnimo ee khaarajiga iyo ganacsiga ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Dr. Maxamed, waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah madaxda iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo sheegay inuu soo gaadhay wakhti lagu jiro ololihii doorashada madaxtooyada.
Dr. Maxamed Cabdillaahi, ayaa u mahadceliyay taageerayaashii xisbiga kulmiye iyo masuuliyiinta kale eek u soo dhaweeyay madaarka Cigaal, waxaanu sheegay inuu ka qayb geli doono ololaha xisbiga kulmiye ee doorashada madaxtooyada.