“Lama Tixgelin Digreetadii Madaxweynaha Oo Hantidii Qaranka Waxa Loogu Ololaynayaa KULMIYE”

52
3492

 

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,haddana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in aan la tixgelin wareegtadii uu Madaxweynuhu ka soo saaray ilaalinta Hantida umadda, oo aan Xisbina loogu ololayn, waxaanu xusay in Xisbiga Kulmiye loogu ololayo, oo hantidii umadda lagu takrifalayo,

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay eeddaha Xisbiga Waddani, ee ah in Xisbigu xidhiidh la leeyahay Somaliya, waxaanu xusay in Xisbiga Kulmiye uu ka dambeeyo, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Doorashada iyo nabadgalyada“Waxaan ku baaqayaa inaynu ku dadaalno inaynu nabadgalyadeena ilaashano, inaynu midnimadeena ilaashano, inaynu dadaalno inay Doorasho xor iyo xalaal ahi inoo dhacdo, inaynu iska ilaalino wixii anshaxa xumaynaya, Beeshii Caalamka wey ina soo eegaysa ee inaynu noqono Wadan tusaale ah oo Afrika ka muuqda, oo waxa la arkaayey doodii la qabtay Afrika hore umay dhicin, waana guul Somaliland u soo hoyotay, markaas waxaan cid walba ku gubaabinayaa inaynu nabada aad iyo aad u ilaashano, oo aynu ku dadaalno inay Doorasho wanaagsani inoo dhacdo”.

Mar aanu wax ka weydiinay eeddaha Xisbiga Waddani lagula xidhiidhiyo Somaliya, waxa ka jira iyo siduu u arko ayaa ku jawaabay “Walaahi waxaan u arkaa in arinkaasi yahay arin aan qurux badnayn, waana warar been abuur ah (Fake News), waana wax been abuur ah, wax la isku nanabay oo la sameeyey, oo Jamiiciyadii Qurumaha ka dhexeysa wey beenisay, Yuusuf Garaad uu beeniyey, Bulsho, uu beeniyey raaligelina uu bixiyey, dad waaweyn baa waxaas sameeyey,markaas waxaan is leeyahay Xisbiga Kulmiyena magac xumo ayey ku tahay inay waxa caynkaas oo kale ah ku dhaqmaan, dadka reer Somaliland meel ka dhac ayey ku tahay, sababtoo ah Somaliland Shacabka ayaa goostay, Shacabka reer Somaliland afti baa laga qaaday, waxayna goosteen inay gaar isku taagan, Dastuurkeena ayey ku qoran tahay, Xisbi iyo qof Somaliland Somaliya geyn karaa ma jiraan”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko wareegtadii Madaxweynaha ee ahayd in aan lagu ololayn hantida Qaranka ayaa ku jawaabay “Waa nasiib daro in aan la tixgelin sharciyadii iyo wareegtadii Madaxweynuhu soo saaray, oo noqotay jaanta rogon, oo nin kastaaba wixii uu hayey ku takrifalayo, oo hantidii umadda arkayso in la boobayo, oo la isticmaalayo,waxa qurux badnaan lahayd in la ixtiraamo sharciyada iyo wareegtada Madaxweynaha, oo loo sinaanado hantida umadda, ha noqoto Telefishin, Radiyoow, Agab, Shidaal iyo Gaadiidba, balse waa la arkaa in si gaar oo sharci daro ah loo isticmaalayo hantidii umadda, markaas waxaan u arkaa in lagu xad gudbayo sharciyadii ay umaddani lahayd, oo waa waxyaabaha ay u muuqato in aan Kulmiye lagu aaminayn taladda dalka, mar haddii iyaga laftoodu aanay sharciyadii isticmaalayn”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here