Wiil Somali Ah Oo La Xaqiijiyay Inuu Ku Jiray Raggii Weeraray Westgate

1
668

Picture2Baadhitaankii ay wadeen khubarada baadhitaanka dadkii ka qayb qaatay weerarkii rugta Westgate ee Nayrobi, ayaa sheegay in afar qof oo laga arkay fiidiyoyaashi la duubay, in uu ka mid yahay nin asalkiisu yahay Soomaali oo ka tegey dalka Norway.

Xassan Cabdi Dhuxulow, waxa lagu tilmaamay in uu ahaa wiil da'diisu ay ahayd ilaa 23 jir, kana tegey dalka Norway oo uu dhalashadiisa qaatay, magaalada la yidhaa Larvik sanaddii 2009 oo ku taal dhinaca xeebta koonfureed, una kicitimay Soomaaliya. Waxana la rumaysan yahay inuu ka qayb qaatay weerarkii hubaysanaa ee rugta ganacsiga ee Westgate, magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku dhinteen ilaa 67 qof.

Toddobaadkii hore ayaa hawlwadeennada mukhaabaraadka ee Norway ee magacooda la yidhaa PST marka la soo gaabiyo, waxay sheegeen inay saraakiil u direen dalka Kenya, si loo soo xaqiijiyo wararka la xidhiidhinaya weerarkii Westgate dad ka tirsan dalka Norway.

Ilaa hadda ma cadda tirada sugan ee ka qayb gashay weerarkaasi Wesgate, waxase lagu qiyaasay inay u dhexeeyeen 10 -15 qof oo hubaysan, laakiin cajadaha filimada e ilaa hadda la baadhay waxay muujiyeen 4 qof oo kelia. Xassan Cabdi dhuxulowna waxa uu ka mid yahay afartaasi qof ee lagu arkay sawirradii cajaladahaasi fiidiyowgu ay duubeen.Dhuxulow waxa la sheegay in uu ku dhashay Soomaaliya, laakiin qoyskiisu inay u qaxeen dalka Norway sannadkii 1999. Intii uu ku noqday Soomaaliyana, waxa uu qoyskiisa kala soo xidhiidhi jirey telifoonno kala geddisan oo aan wada sax ahayn.

 

style='language:en-US;mso-ansi-language:en-US'>iyo Faransiisku ay yihiin kuwo joogto ah isla amrkaana leh codka diidmada qayaxan.

 

Comments are closed.