Wefti Ingiriis Ah Oo La Filayo Inay Maanta Soo Gaadhaan Caasimadda Hargeysa

0
503

Picture4Hargeysa(Geeska)-Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayso ayaa la filayaa inay maanta magaalada Hargeysa soo gaadho.

Haweenaydan danjiraha ah ayaa safarkeedani wuxuu noqonayaa kii u horeeyay ee ay Hargeysa ku timaado, waxaana weheliya diblomaasiyiin kale oo Ingiriis ah.

Ujeedada socdaalka Harriet ayaa la filayaa inuu noqdo is barasho, maadaama oo uu safarkeedani yahay kii u horeeyay, waxaana sidoo kale laga yaabaa inay farriin ka sido wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska taas oo la xidhiidhka khilaafyada ka dhashay muddo kordhinta ee aan weli xalka loo helin. Safiirkan Ingiriiska ayaa muddooyinkii u dambaysay dalka Ingiriiska kula kulmaysay guud ahaan bulshada Somalida iyadoo raadsanaysay xogo u sahla shaqadeeda cusub.