Soonka Sannadka 2018 Oo Ku Beegan Ciyaaraha Xilliga Kubadda Cagta Adduunku Socoto Ayaa Muran Ka Dhex Abuuray Ciyaartooy Xulka Masar Iyo Tababarahooda

58
4985

Qaahira (Geeska)- Muran xooggan oo ku saabsan soonka bisha Ramadaan ee sannadka 2018 ka, oo ku beegmaysa ciyaaraha kubadda cagta adduunka, ayaa ka dhex qarxay tiro aad u badan oo ka mid ah ciyaartoyga xulka qaranka ee kubadda cagta dalka Masar iyo tababarahooda Arjentiiniga ah ee Hector Cuper. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee wargeyska Al-Ahraam ayaa sheegaya in ciyaartoyga kala ah, Maxamed Salaax oo u ciyaara kooxda Liverpool, Maxamed Nany oo u ciyaara kooxda Arsenal, Axmed Fatxi oo ka ciyaaraha naadiga Al-Ahli ee dalka Masar iyo Maxamed Cabdishaafi oo ka tirsan kooxda Al-Ahli ee dalka Sucuudigu ay dhammaantood ku wargeliyeen maamulka xulka dalka Masar in ay doonayaan in ay soomaan bisha barakaysan oo dhan, kana soo horjeedaan fikirka ah in muddadaas soonka la iska daayo.

Ciyaaryahanka Maxamed Fatxi oo isna ka tirsan xulka ayaa mar dambe ku soo biiray liiska ciyaaryahannada diiddan in ay soonka joojiyaan muddada ciyaaraha iyo tababarradu socdaan.

Xulka dalka Masar ee ka qayb geli doona tartanka kubadda cagta adduunka ee sannadka 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka ayaa ciyaartiisa u horreysa dalka Urugwaay la kulmi doona 15ka Juun 2018. Waxa aanu qorshuhu yahay in ciyaartoyga xulka qaranka Masar lagu xareeyo xeryaha xidhan tababarrada iyo diyaarinta loogu sameeyo, ka hor inta aanay maalin jimce ah ciyaartooda koowaad ciyaarin. Maalintaas ayaa sida ay taariikhda saadaasha ah ee xidigisku sheegayso waxa ay ku beegan tahaymaalinta koowaad ee ciidda soonkur, taas oo macnaheedu noqonayo in kooxdo bisha Ramadaan ku jiri doonaan diyaargarowga iyo tababarro adag.

Hore ayaa uu tababare Cuper uga cawday soonkii ay ciyaartoy badani soomanaayeen ciyaar ka mid ahayd ciyaarihii is-reeb-reebka ee loogu soo baxayey koobka kubadda cagta Afrika ee 2019 ka oo ay ku kulmeen xulka Tuuniisiya.

Dhinaca kalana Xaasim oo ka mid ah maamulka xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa sheegay in ay daraasaynayaan in heshiis ay la galaan xeeldheereyaal reer Yurub ah oo kala shaqaysa nafaqaynta iyo quudinta ciyaartoyga xulka Masar ee ka qaybgalaya koobka adduunka si looga hortago in soonku wax u dhimo tababarrada laga rabo in ciyaartoyga la mariyo.

Xulka qaranka Masar ayaa ka mid ah xulalka Qaaradda Afrika uga qaybgeli doona koobka kubadda cagta adduunka ee xagaaga 2018 ka ka dhici doona dalka Ruushka, kaddib markii uu xulku garoomada koobka kubadda cagta adduunka ka maqnaa muddo 28 sano ah.

Guulihii u dambeeyey ee xulka u suurtogeliyey in uu kaga soo gudbo is-reeb-reebkii loogu soo baxayey koobka adduunka ayaa sababtooda loo sibirsaaraya agaasimaha farsamada ee kooxda oo ah Hector Cuper oo ah 62 sano jir hore uga tirsanaan jiray xulka qaranka dalka Arjentiina.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here