Soonka Iyo Sixada (9): Qaladaadka Qofka Soomani Uu Ka Galo Afurka Iyo Dhibaatada Caafimaad Ee Ka Dhalata

0
601

Hargeysa (Geeska)- Inta badan xilliga soonka waxa ay dadku isku arkaan burbur iyo culays badan oo marka hore aanay isku arki jirin, kadib dad badani waxa ay isweydiiyaan sababta culayskan keentay maadaama oo la og yahay in soonku uu caafimaadka qofka kor u qaado. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Caluukah ee afka carabiga ku baxda ayaa ka hadlaysa sababaha arrintan keena iyo sida ugu habboon ee looga taxaddari karo, iyada oo si gaar ah u eegaysa qaladaadka inta badan dhaca afurka iyo dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah eek a dhalan kara.

Dhibata badankeedu waxa ay ku timaaddaa dadka oo aan awoodin in ay maamulaan hannaanka cunto qaadashadooda iyo qoon darro dad badan ka haysta habka ugu fiican ee cunto qaadashada waqtiga soonka ama cuntada ku habboon.

Qaladaadka xilliga Afurka:

1. Saambuusaha iyo shurbadda dufanka badan leh: Qaladaadka xilliga afurka dhaca waxaa ka mid ah in qofku uu ku bilaabo saambuuse badan iyo shurbad ama cunto u dhiganta sidam araqa iwm, cuntooyinkani waxa ay caloosha ku dhacayaan iyada oo aanu weli dheefshiidkii u diyaar garoobin muddadii dheerayd ee aanu shaqayn awgeed, sidaa awgeed waxa ay keenayaan dheefshiidka oo si fiican u burburin kari waaya.

Xalka: Waxaa fiican xilliga afurka in qofku uu ku bilaabo timirta oo uu Nebigeennii Muxammed (SCW) innagula dardaarmay, sababtuna waa timirta oo leh faa’idooyin si gaar ah ugu fiican caafimaadka qofka sooman, tusaale ahaan waxaa ku jira xaddi badan oo ah maaddooyin uu xadiid ka mid yahay, sonkoro jihdku u baahan yahay iyo faytamiinno jidhka ka caawinaya in uu ka soo kabto saacadihii badnaa ee af xidhnaanta. Intaas waxaa u sii dheer timirta oo ah cunto milmi o goo dheefshiidka si sahal ah u dhaafaysa, sidaa awgeed marka qofka soomani uu cuntada ku bilaabo timir waxa ay markaba baraarujinaysaa hab-dhiska dheefshiidka oo u diyaar garoobaya cunto, hadhowna afurka intii hadhay soo gaadhayso isaga oo diyaar ah.

Inta badan xilliga soonka qofku waxa uu isku arkaa calool-istaag sababtuna waa dareeraha uu saacadaha badan ka af xidhan yahay. Timirtu waxa ay leedahay awood ay dawo fiican iyo ka hortag u tahay calool istaagga.