Qodobbo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Laga Qoomamoodo (Q:6aad)

0
609

Hargeysa (Geeska)- Waa  qormadii Lixaad uguna dambaysay taxanihii uu Geeska Afrika ku eegayey dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana uu ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.

16. Saaxiibka xun:  Saaxiibka xun ee aad waqtiga badan la qaadataa waa shayga ugu weyn ee la hubo in qofku uu qoomamayn doono marka uu weynaado, ama xitaa aakhiro ka qoomamoon doono la rifiiqistiisa sida uu Qur’aanka Kariimka ahi inoo caddeeyey.

Waa saaxiib inta aad ladan tahay ku hareer taagan, markase aad talax gabto garabkaaga bannaynaya oo aad dareemays wehel la’aan. Waa saaxiib laga yaabo in uu dhalinyarada kuu horseedo ama ku baro balwado xun iyo dhibaatooyin cudurro, akhlaaq xumo iyo diin la’aan ku bada oo aad hadhow qoomamayso. Haddaba saaxiibkaaga maanta ka fiirso si aanad berri u qoomamayn.

17. Nolosha aad dooranaysaa waa muhiim: Waxaa in badan dhacda in qofka qalbigiisu isaga oo doonaya qaab nololeed u sawiran iyo hawlo uu jecel yahay in uu qabto ama meel uu xiisaynayo in uu bulshada ka gaadho in haddana aanu hawshaas samayn isaga oo ka cabsi qaba waxa kaga iman doona. Waxase ka sii daran oo marar badan dhacda in qofku nolosha uu doonayo u joojiyo dadka ku xeeran dartood, tusaale ahaan iyaga ayaan doonayn in uu ka tago ama waxa uu ka cabsi qabaa in noloshaasi kala fogeyso, go’aan noocan ah oo aad kaga joogsato nolosha aad doonaysaa waxa ay kaaga tagtaa murugo iyo in marka aad weynaato aad qoomamayso.

Haddaba noloshaada nooloow oo sababta cid kale ha u joojin, himilo aad leedahay gaadhisteeda ha u baajin hebello laga yaabo in aad ka fogaato ama ka tegistaadu ay dhib ku keento, waa run in dad badan u joojintooda aad ku qasban tahay, in aad wanaaggooda ka shaqaysaana muhiim yahay, laakiin in aad naftaada u hagardaamaysaa waa arrin kale.

18. Waxbarashada: Waxbarashadu waa fursad dahabi ah oo qofka soo marta inta uu yar yahay, inta aad dhalinyarada tahay naftaada la xisaabtan oo waxa aad ku dadaashaa in aad dhamaystirto waxbarashada inta carruurnimadii aad ka tagtay ama duruufo kaa hor istaageen. Waxbarasho la’aantu waxa ay ka mid tahay arrimaha qofku marka uu Konton jir dhaafo qoomameeyo, waayo waxa uu arkayaa in noloshiisii adduun soo gaabatay isaga oo aan qabsan wax badan oo ay ahayd in uu qabsado ama ubadkiisa u qabto, marka uu dib u xisaabtamana waxaa u soo baxaya in sababtu ay tahay waxbarasho la’aanta, markaasay ku bilaabataa qoomamo iyo ciil uu ka xun yahay waxbarashadii aanu waqtigiisa fursadda ka siinin. Dhammaad.