Sababaha Loo Nisbaynayo Dib U Dhac Ku Yimid Socdaalkii Madaxweynaha Ee Xaramka

0
489

pHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo la filayay inuu Isniintii ina dhaaftay u socdaalo wadanka Sucuudiga si uu u soo guto waajibaadka Cimrada, ayaan weli ka bixin magaalada Hargeysa.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo ay xubno wasiiro ahi kaga sii horeeyaan wadanka Sucuudiga ayaan si rasmi ah loo garanayn sababta dib u dhaca keentay, iyadoo ay ahayd in Madaxweyne Siilaanyo bilowga tobanka dambe ee bishan barakaysan ee Ramadaan ku sugnaado xaramka barakaysan. Hase yeeshee waxa soo baxaya warar kala duwan oo jawaab ka bixinaya dib u dhaca socdaalka Madaxweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca ay sabab u tahay dal ku galkii uu Madaxweynuhu ku soo cimraysan lahaa oo dib u dhacay, halka ay warar kalena sheegayaan inay sabab u tahay wefti madaxweynaha ka sii horeeya oo ku mashquulsan helitaanka qaabkii ay Madaxweyne Siilaanyo ula kulansiin lahaayeen boqorka Sucuudiga oo isna Xaramka ku sugan iyagoo raadinaya ogolaanshihii ay boqorka iyo Madaxweynuhu isku arki lahaayeen.  Si kastaba ha ahaate, Madaxweynaha ayaanay weli kala cadayn inuu baajin doono socdaalkiisa mar haddii ay maalmo ka mid ah tobanka hore ee bisha barakaysan ee Ramadaan socdeen, inkastoo ay wararka qaar sheegayaan in Madaxweynuhu bixi doono jimcaha beri haddii Alle idmo.