Hargeysa (Geeska) Xilliga lagu gudo jiro bisha soonka waxaa inta badan dadku siyaabo kala duwan ay uga cawdaan harraad, gaar ahaan marka bisha barakaysani ay ku soo beeganto xilliga xagaaga sida ay sannadihii u dambeeyeyba ahayd.
Dhibaatada oonkaasi waxa ay keentay in dadku ay iskula wareegaan talooyin iyo fikirro ay aaminsan yihiin in ay wax ka tari doonaan harraadka, waxaa ka mid ah talooyin run ah oo wax badan lagu reeyo iyo kuwo ku-tiri-ku-teen ah oo aan la garanayn halka ay tixraac ahaan ku arooraan, balse dadku si aad ah u aaminsan yihiin isuguna wariyaan. Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa dhowr ka mid ah khuraafaadka ay dadka qaar sheegaan in lagaga hortegi karo harraadka soonka:
1. Cabbitaanka sonkorta badan:
Khuraafaad: Dad baa sheega in cabbitaan badan oo sonkor badan lagu daray uu jidhka cokonaysiiyo harraadkana ka takhaluso.
Runta: Cabbitaanka sonkortu ku badan tahay waxa uu badiyaa kaadida, waxa aanu kor u qaadaa shucuurta nafsiga ah ee qofku aaminayo in uu harraaddan yahay, sidaa awgeed harraadka ayaa uu badiyaa.
Talada dhakhtar: Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay ku talinayaan in uu iska yareeyo isticmaalka sonkorta badan iyo sharaabka xilliga soonkii aadka loo isticmaalo ee sonkorta lagu badiyo.
2. Biyo badan oo la cabbo:
Khuraafaadka: Biyo aad u badan oo la cabbo xilliga suxuurtu waxa ay qofka ka ilaaliyaan harraadka maalinnimo.
Runta: Qofka oo cabba biyo ka badan inta uu jidhkiisu u baahan yahay, waxa ay keentaa in ay kelyuhu markaba ka hawlgalaan sidii ay biyahaas dheeraadka ah jidhka uga saari lahaayeen, saacado yar uun kadib marka uu qofku cabbo, taasina waxa ay keentaa in qofka soomani uu habeenkii aad ugu kaco suuliga, taasina waxa ay keentaa daal maalinnimadii ah iyo in uu qofku dareemo fuuq bax.
Talada dhakhtarka: Qofka sooman waxaa lagula talinayaa in uu biyo badan cabbo habeenkii laakiin aanu mar keliya wada cabbin ee habeenkii oo dhan hadba in yar cabbo, isaga oo aan u kala badinayn xilliga afurk, casho ama suxuur. Mar kasta oo biyaha uu cabbayaa ay noqdaan kuwo si yar jidhka u galayana waxa uu ka faa’idayaa in ay si tartiib ah jidhka ula falgalaan.
3. Biyo baraf leh oo lagu afuro: Dad badan ayaa aaminsan ama sheega in biyaha qabowga badan ah ama heer baraf ah gaadhay ay dawo ka yihiin harraadka uu qofku qabay maalinnimadii uu soo af-xidhnaa, sidaa awgeed waxaa laga yaabaa in aad aragto afurka oo lagu soo darayo biyo maanta oo dhan qaboojiyaha ku jiray ama baraf lagu dhex daadiyey.
Runta: Biyo Baraf ah oo uu qofku cabbo xilliga afurku waxa ay khatar caafimaad ku keenaan caloosha, waxa ay caqabad ku noqdaan habsami u shaqaynta dhaafshiidka, waxa aanay guntaan tiftafyada dhiigga (Xididdada aadka u yaryar ee dhiiggu maro). Qofka caadaysta in uu biyo aad u qabow cabbo xilliga afurka waxaa lagu arkaa khalkhal dhinaca dheefshiidka ah.
Talada dhakhtarka: Qofka soomani waa in uu ku afuro biyo heer-kulkoodu dhex dhexaad yahay ama aan aad u qaboobayn, waxaa iyaduna waajib ah in qofka soomani uu biyaha si qunyar ah (Kab-kabbasho) u cabbo oo uu iska ilaaliyo in uu hal mar wada qudh-qudhiyo. La soco…