Soonka Iyo Sixada (24): Koob Bun Ah Oo Aad Maalin Kasta Cabtaa Waxa Uu Ka Hortagaa Kansarka Beerka Ku Dhaca

0
891

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in koob bun ah oo keliya oo uu qofku maalin kasta cabbaa ay suurtogal tahay in uu yareeyo khatarta ah in uu ku dhaco cudurka Kansarka noociisa beerka ku dhacaa. Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda South Hampton ee dalka Ingiriiska ayaa natiijadeeda lagu faafiyey majaladda British Medical Journal ee dalkaas ka soo baxda.

Si ay u hubiyaan xidhiidhka ka dhexeyn kara cabbista bunka iyo ka hortagga kansarka beerka ku dhaca, ayaa cilmibaadhayaashu ay dib-u-eegis iyo daraasayn ku sameeyeen in ka badan 26 cilmibaadhisood oo hore isla arrintan looga sameeyey, kuwaas oo isku darka dadka tijaabada laga qaaday ay ka badnaayeen Hal Milyan iyo 25 kun oo ruux. Waxa aana cilmibaadhayaasha u soo baxday in dadka caado ka dhigta in ay hal koob oo bun ah cabbaan maalin kasta ay boqolkiiba 20 dadka kale kaga yar yihiin khatarta ah in uu ku dhaco kansarka beerku. Cilmibaadheyaashu waxa ay sida oo kale ogaadeen in dadka oo maalintii cabba laba koob oo bun ah ay boqolkiiba 35 hoos u dhacdo cabsida ah in uu cudurkani ku dhaco, halka dadka cabba saddex koob ay tiradu boqolkiiba 50 noqonayso.

Waxa ay khubaradu sheegeen in bunka laga saaray maadadda Caffeine uu isaguna ka hortag u noqon karo noocan kansar eek u dhaca unugyada beerka. Laakiin haddana saamayntiisu ay ka yar tahay saamaynta bunka Caffeine ta aan laga saarin. ilmibaadhayaasha oo arrintan sababteeda soo baadhay ayaa la xidhiidhiyey maaddooyinka uu bunku hodanka ku yahay ee ay ka mid yihiin iskudhisyada la dagaalama mariidka/sunta cuntada ka samaysanta, la dagaalanka ololka iyo kuwa la dagaalama kansarka. Waxa aanay intaas ku dareen, “Natiijada aanu gaadhnay waxa ay tilmaamaysaa in ay jirto kaalin ay maadadda Caffeine ka qaadato ka hortagga kansarka beerka ku dhaca, iyada oo aanu ogaannay in Bunka laga saaro Caffiene ta ay awooddiisa uu cudurkan kaga hortagi karaa ka yar tahay bunka aan laga saarin”

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna caddeeyey in bunku uu ka hortag u noqon karo xanuunnada ku dhaca neerfaha, oo uu ka mid yahay cudurka xusuusta dila ee Alzheimer’s ka, iyo in uu bunku joojiyo faafitaanka tirada burooyinka kansaraysan, sida burooyinka kansar ee naasaha, iyo kansarka ku dhaca makaanka.

Waxa kale oo ay cilmibaadhisahani muujiyeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo cabbista joogtada ah ee bunka, iyo khatarta ah in beerku hawlgabo ama biyoobo, gaar ahaan dadka qaba caabuqa beerka ee Jooniska loo yaqaanno noociisa ‘C’ waana dadka ugu badan ee lagu arko xaaladaha hawlgabista beerka ah