Soonka Iyo Sixada (21): Habka Ugu Fiican Ee Aad Asiidhka / Gaasta Isaga Ilaalin Karto Xilliga Soonka

0
715

Hargeysa (Geeska)- Asiidhka/Laab dillaacu waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee dadka ugu badani ka cawdaan, gaar ahaan bisha soonka, waxa aana inta badan la’ la xidhiidhiyaa ku talaxtag ay dadku ku sameeyaan cunista cuntada.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ku eegaysaa talooyinka ku habboon in la iska ilaaliyo asiidhkan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay in la iska ilaaliyo cabbitaannada soodhaha leh. Waxa kale oo lagu talinayaa in lagu afuro timir iyo in la cuno khudradda darayga ah ama la kariyo. Waxa ay khubaradu caafimaadku ku talinayaan in xilliga ramadaanta laga dheeraado cunista busbaaska iyo xawaashyada kulaylka leh, in la iska ilaaliyo in cuntada la cuno illaa uu qofku dibirayo / dhergayo. Waxa ay ku taliyeen in afurka loo qaybiyo laba qaybood oo waqti u dhexeeyo iyo in biyo ku filan uu qofku cabbo inta u dhexeysa suxuurta iyo afurka, iskana jiro in uu cuntada kadib toos u seexdo.