Soonka Iyo Sixada (17): Faa’idooyinka Khudraddu U Leedahay Caafimaadka Wadnaha Iyo Sambabada

0
770

Hargeysa (Geeska)- Inta badan xilliga jiilaalka waxaa dadka ku soo noqnoqda hargabka iyo xanuunnada qabowgu keeno, oo ay ku lammaan yihiin cunaha oo qofka xanuuna iyo dhibaato uu ka dareemo hab-dhiska neefsiga, taas oo ay sababteeda ugu weyn tahay Fayraska oo si firfircoon u faafa sannad kasta xilligan oo kale, isbedellada cimilada awgeed.

Dadka uu hargabku aadka ugu dhacaana waxa ay u badan yihiin kuwa uu daciifka yahay hab-dhiska difaaca ee jidhkoodu, maadaama oo aanay adkaysi badan u lahayn xaaladda cimilada, si sahal ahna qabowgu u waxyeellayn karo.

Calaamadaha inta badan lagu garto hargabka waxaa ka mid ah duuf badan, cuno xanuun, hindhiso iyo neefsiga oo uu qofku qawado.

In kasta oo uu hargabku mar kasta dhibaato leeyahay, haddana madax xanuunka, baahida badan ee qofku biyaha u qabayo iyo xaaladaha hargabkan ku lammaan ayaa xilliga soonka sii kordhinaya dhibta uu hargabku qofka u geysan karo.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay Alcarabiya ku eegaysaa hab dabiici ah oo lagula tacaali karo hargabka iyada oo aan loo baahan dawooyin. Waa sharaab lagula dagaalamayo hargabka oo ka kooban afar shay oo si sahal ah looga heli karo dhulka Soomaalida, waa sinjibiisha, Toonta, Dabacasaha iyo Cananaaska. Waxa aana loo diyaarinayaa qaabkan:

Gobal yar oo sinjibiil ah ayaa la dhilayaa, kadibna la jarjarayaa, kadib dhowar xabbo oo toon ah iyo laba xabbo oo dabacase ah ayaa la isku jarjarayaa, waxaana lagu darayaa goballo cananaas ah. intaas ayaa la isku walaaqayaa illaa ay isla falgalaan oo hal sharaab isku noqdaan, kadib koob sharaabkan ah ayaa maalin kasta la cabbayaa inta uu hargabku baxayo.