Soonka Iyo Sixada (14): Soonku Waxa Uu Xoojiyaa Awoodda Jidhka Ee Burburinta Unugyada Kansarka Keena

0
592

Qaahira (Geeska)- Soonku waxa uu xoojiyaa awoodda uu jidhka aadamuhu u leeyahay in uu si joogto ah oo dabiiciya u burburiyo walxaha aan muhiimka ahayn ee samaysan unugyada. Taas oo ah waxa caafimaadku afka qalaad ku yidhaahdo ‘Autophagy’ oo ah in uu unuggu iskii isaga oo aan wax dawo ama awood kale oo dibadeed ah helin u burburiyo / u cuno walxahaas aan muhiimka ahayn ama aan shaqadooda sidii la rabay u gudanayn. Waxa aanu cilmigu hore u caddeeyey in walxahaas aan loo baahnayn ama hawlgabka noqday ee ku jira unuggu ay yihiin kuwa kuwa sababa kansarka.

Dr. Majdi Badraan oo ku xeeldheer hab-dhiska difaaca ee aadamaha ayaa shabakadda Al-Carabiya ee uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay u sheegay in awooddaas uu jidhku iskii ku burburin karo walxahani ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto burburtinta dulinka iyo jeermiska soo gaadha unugyada ee aakhirka keena kansarka.

Dr. Majdi waxa uu intaas ku daray in haddii ay fashilanto ama hoos u dhacdo hawsha burburintu iskeed ahi ay sababto in qashinka unugyada ee dheecaannada ah iyo hadhaaga kale caafimaadka u darani ay sabab u noqdaan in unuggu burburo ama dhaqso u hawlgabo, taasina ay yaraynayso shaqadii. Laakiin soonku uu kor u qaado shaqada burburinta iskeed ah, isla markaana uu unugyada ka nadiifiyo walxaha aan loo baahnayn iyo kuwa dhaawacan, sababtaas ayaanu soonku uga mid noqonayaa sababaha ka hortaga kansarka.

Digtoorka oo sii faahfaahinaya sida uu soonku arrintan kaalin uga qaadan karo, ayaa sheegay in awoodda burburinta iskeed ahi ay aad u firfircoonaato marka uu qofku gaajoonayo, maadaama oo xilliga gaajada uu dareemo uu jidhku firfircooni geliyo shgaqada burburinta iskeed ah si uu u ilaashado unugga iyo walxihiisa.

Waxa kale oo uu jidhku shaqadan firfircooni geliyaa marka uu qofku nidaam cunto qaadasho oo fiican maro, isla markaana uu sameeyo jimicsi ugu yaraan socod 30 daqiiqo ah maalin kasta.