Soonka Hortii (4): Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Soonka: Dhiigga, Dufanka, Macaanka Miisaanka Dheeraadka Ah, Iwm.

45
6069

Hargeysa (Geeska)- Marka laga tago in soonku uu yahay tiirka afaraad ee diinta Islaamka, iyo cibaado ay tahay in qof kasta oo muslim qaangaadhay ah oo caafimaad ahaan awoodaa in uu soomo. Laakiin in uu soonku caafimaad u yahay ruuxda waxaa u dheer in uu wax badan taro caafimaadka guud ee qofka jidh ahaan iyo nafsi ahaan labadaba.

Sida ay daraasado kala duwani iska daba-mareen qofka oo sooma oo mara nidaam cunto qaadasho oo caafimaad ahaan saxan waxa uu soonku ku yeeshaa raad oo la taaban karo.

Faa’iidooyinkaas soonku u leeyahay dadka waxa aynu ku soo ururin karnaa qaybahan hoos ku qoran.

Dhiigga: Soonku waxa uu kordhiyaa tirada unugyada dhiigga cas, waxa uu qordhiyahaa unugyada dhiigga cad, waxa uu kordhiyaa xaddiga xinjirka dhiiggu u baahan yahay.

Dufanka: Soonku waxa uu yareeyaa herka kalasatoorka dhiigga, waxa uu kordhiyaa heerka kalastaroolka loo baahan yahay, waxa uu jidhka ka saaraa dhammaan noocyada dufan iyo kalastarool ee aanu jidhku u baahnayn ama dhibaatada ku keeni kara.

Miisaanka: Soonku waxa uu si weyn uga qayb qaataa miisaan dhimista, in kasta oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in miisaanka soonka ku dhacaa uu u soo noqdo si dhaqso ah soonka kaddib. Waxa uu yareeyaa xaydha ku ururta sinaha iyo wareegga hoose ee caloosha, waxa uu furfuraa dufanka ku guntama dhiigga iyo guud ahaan jidhka qaybihiisa kala duwan.

Dhiigkarka: Soonku waxa uu aad hoos ugu dhigaa dhiigkara.

Macaanka: Soonku waxa uu dejiya aadna ula dagaalamaa kicista macaanka.

Kansarku: Soonku waxa uu la dagaalamaa ololka iyo kaarka, waxa uu furfuraa unugyada dheeraadka ah ee kansarka keeni kara, waxa aanu hoos u dhigaa dhammaan xaaladaha qofka ku keeni kara kansarka.

Nafsadda: Soonku waxa uu nafta ku abuuraa xasilooni, waxa aanu xoojiyaa ruuxda, sidaa awgeed waxa uu meesha ka saaraa ama aad u yareeyaa xaaladaha kala duwan ee nafsiga ah, sida walaaca iyo warwarka iwm.

Talooyin caafimaad oo kaa caawinaya in aad soonka jidhkaaga uga faa’iidayso

In qofku uu helo faa’iidooyinka tirada badan ee soonku waxa ay ku xidhan tahay hadba qaabka uu u dhaqmo, gaar ahaan dhinaca cuntada. Haddaba waxa ay khubaradu soo jeediyeen talooyin caafimaad oo soonka ku habboon waxa aana ka mid ah:

Cuntda oo aan la isku badin.

– Khudradda noocyadeeda kala duwan oo aad loo isticmaalo.

– Cuntooyinka dufanka iyo sonkorta leh oo la iska yareeyo.

– Jimicsi jidheed oo la sameeyo, laakiin haddana aan aad loogu badin jidhka.

– Sigaar nuugista oo la iska daayo.

Miisaanka: Marka aynu si gaar ah u soo qaadanno sida ugu habboon ee soonku miisaanka ku ridi karaaa waa in:

  1. Cuntooyinka la cunayo oo isbeddel joogto ah lagu sameeyo, isla markaana lagu eego halbeegga caafimaad in ay buuxiyaan.
  2. jimicsiga oo la joogteeyo.
  3. Wax ka beddel lagu sameeyo habdhaqanka cunto ee qofka.

Waxa ay isugu jiraan faa’iidooyin uu dhiiggu ka helo, heerka dufanka jidhka ku jira oo hoos u dhaca, miisaan dhimis, guntimaha dufanka ah ee jidhka ku samaysma oo furfurma, xaydha sinayaasha fuusha oo dhacda, dhiigkarka oo hoos u dega, heerka macaanka ee qofka qaba cudurka macaanka oo isna hoos u dhaca,  ololka iyo kaarka oo taga iyo xitaa noocyo kansarka ka mid ah oo uu dawo ka noqdo. Waxa kale oo uu soonku dawo u yahay qulubka iyo xaalado nafsiya oo kala duwan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here