“Soomaaliya Waxaanu Leenahay Jaarnimada Ku Eekada, Waayo? Idinkama Mid Nihin..”

0
529

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Xukuumaddii hore ee Axmed-siilaanayo-na ka soo qabtay xil wasiirnimo, ayaa ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu xusay in labadan dal ay yihiin dalal xidhiidh fac-weyni ka dhexeeyo.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Soomaaliya waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waddanka Jabuuti, waa Waddan  aynu jaar nahay, oo xidhiidh fac weyni inaga dhexeeyo, Madaxweynaheena Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi safar ayuu ku tagay, dabcan wuxuu u tagayna waa sii xoojinta iskaashiga labada dal,  markaas Shacabka labada dalna waa Shacab walaalo ah oo wax badan wadaaga, markaas waxaynu rajeynaynaa in xidhiidhka labada dal uu sii xoogaysto, oo halka uu marayo Maanta meel ka sii wanaagsani uu gaadho”.

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya ayuu yidhi “Soomaaliya waxaanu leenahay idinkama mid nihin ee jaahilnimada iska daaya, oo jaarnimada ku eekada, oo iska daaya dhaqankan aad iska dhaadhiciseen  ee ah inaad xukuntaan Somaliland, ama Somaliland ay tahay deegaan aad u talisaan, Shacabka Somaliland waa Shacab isku tashaday,oo dalkooda iyo dawladdooda u tashaday”. 

Geeska.net/Hargeisa Office