Xildhibaan Indho-Indho Oo Soo Jeediyey In Xoolaha Somaliland Loo Dhoofiyo Isreal

0
796

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo jeediyey in Xoolaha Somaliland loo dhoofiyo Dalka Isreal, maaddaama oo xilligan uu Sucuudigu ku ad-adag yahay la macaamilka Somaliland.

Xildhibaanka oo ka qayb-qaadanayey Dood Mudaneyaasha Golahaasi ka yeesheen Dhaqaalaha dalka, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Somaliland oo leh Kalluun, Beero, Xoolo, Cadceed laydh laga dhallin karo iyo Milix ay Maanta soo dhoofsato Bariis iyo Khudaar, sidaasi darteed loo baahan yahay in dalku isku tashado oo fadhiga laga kaco.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Adduunku Maanta wuxuu isbeddelay oo dhaqaalaha ayaa siyaasadda hoggaamiya, nin gaajoonaya Cidna wax kuma fasho. Somaliland waxay leedahay Kalluunkii, Macdantii, Xoolihii, Beerihii, waxaynu leenahay Cadceedda oo Warshadihii Jabnaa ee (Laydhka ah), Lixdaa Shay Dadka haysta ee Maanta bariis dibedda ka soo iibsanaya waa inagu ceeb, inaynu wax beerano oo biyaha qabsano, Sinsinta iyo Xabuubta aad lahaydeen Itoobiyaa la inooga keenaa waxay ku baxaan 3 bilood, laakiin waxaan u malaynayaa inay tahay Muqaalafo xumo iyo Wahsi tahay, waxaan qabaa inaynu dhaqaalaha adduunka door-weyn ka ciyaari karno. Waxaynu haysanaa Milix, laakiin waxay lacagi inagaga baxdaa Qaad.  Guddoomiye waxaan jecelahay in arrinta dhaqaalaha uu Goluhu Qaraar ka soo saaro oo Madaxtooyada loo gudbiyo.”

Xildhibaanku wuxuu soo jeediyey “Adhiga, waxaan ku talo-bixinayaa Sucuudigii haddii aynu isku adkaanay waxa jira Waddamo badan oo Xoolaheena raba 12-ka bilood ee sannadkaba, Turkiga, Malaysia labaduba Xoolaheena way u baahan yihiin, waxa kale oo u baahan Isreal, waa inaynu adhigeena geyna, Maanta maaha berigii laga baqi jiray, Sucuudigay joogaan, Imaaraadka ayay imanayaan, reer Nebi Ibraahim ayaynu isku ahayn, markaa xoolaha aynu ka iibino hadday innaga soo dalbadaan..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office