Soomaaliya Oo Taageertay Shiinaha Oo Diidan Madax-banaanida Taiwan Iyo Doorka Uga Banaan  Somaliland Iyo Maraykanka Oo Xulafo La Ah

0
398

Muqdisho (Geeska) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa  ku milantay xiisadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha oo ah Quwadaha xilligan ugu dhaqaalaha badan Adduunka.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay garab istaag buuxa u muujisay dowladda Shiinaha, waxayna sheegtay inay taageersan tahay Madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo midka dhuleed, waxayna ku baaqday in loo hoggaansamo qaraaradii Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midnimda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ee khuseeya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed Sabtii Shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya.

Xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay markii Shiinaha ka cadhooday booqashadii Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan.

Sidoo kale, Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka wada marin-biyoodka Taiwan.
Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa cambaareysay booqashada Pelosi, waxayna ku tilmaantay “ficil xun oo daan-daansi ah..” waxayna sheegtay in safarkeeda uu ka dhigan yahay “Faro-gelin toos ah oo lagu sameeyey arrimaha gudaha ee dal-weynaha Shiinaha” maaddaama oo Shiinuhu rumaysan yahay in Jasiiradda Taiwan ka mid tahay dhulkiisa.

Baaqa ka soo baxay Dawladda Soomaaliya, ayaa ah Inay ka soo horjeeddo Dawladda Taiwan oo xidhiidh wanaagsan la leh Jamhuuriyadda Somaliland oo Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Shiinaha oo xilligan saamayn siyaasadeed oo muuqata ku leh Soomaaliya isla-markaana Safiir u joogo Magaalada Muqdisho, ayaa aad uga soo horjeeda xidhiidhka Wanaaagsan ee ka dhexeeya Hargeysa iyo Tiapea, waxaanu sanadihii u dambeeyay oo dhan waday dedaallo diblumaasiyadeed oo uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo xidhiidhka Taiwan ee Somaliland, laakiin arrintaasi ma suurto-gelin.

Soomaaliya ayaa aamisan in Somaliland ka mid tahay dhulkeeda, waxayna sida Shiinuhu uu Madax-banaanida Taiwan u diiddan yahay si la mid ah u diiddan tahay Madax-banaanida Somaliland, waxayna mar walba u ololaysaa oo ay ka hor tagtaa in Dawladaha Caalamku xidhiidha la yeeshaan Dawladda Somaliland, waxayna hore xidhiidhka ugu jirtay Dawlado ay Somaliland xidhiidh gaar ah la samaysatay, taas baana keentay inay taageero u muujiso Shiinaha oo diiddan Madax-banaanida Taiwan.

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland oo xidhiidh wanaagsan la leh Maraykanka oo xafiiltan siyaasadeed ka dhexeeyo Shiinaha ayaa laga yaabaa inay iyaduna taageero u muujiso Taiwan oo uu Maraykanku difaaco Madax-banaanideeda.

Geeska.net/Hargeisa Office