Xildhibaannadii Ugu Badnaa Ee Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Taageeray Qorshaha Xisbiyada Mucaaradka Ee Ah ‘Inay Dalka Oo Dhan Mudaharaad Ka Sameeyaan’

0
456

Waxay Sheegeen Inay Wax Lala Yaabo Tahay, In Madaxweynaha Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo U Soo Dagaalamay ‘Xorriyad’ Inay Diidaan In Dadku Ra’yigooda Mudaharaad Ku Cabbiraan

Hargeysa (Geeska) – Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa Shalay sheegay in mucaaradku ay qaban doonaan mudaharaad nabadgalyo, iyagoo sheegay in uu sharcigu u fasaxayo.
Xildhibaannada oo tiradooda ku sheegay ilaa 30 Xildhibaan oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in shakhsiyaad hore xorriyadda ugu soo dagaalamay, ay maanta shacabka cabudhiyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waa mujaahid, wuxuu u soo dagaalamay dalkan iyo dadkan, oo xorriyad ayuu u soo dagaalamay, Wasiirka arrimaha guduhuna waa mujaahid.  Taliyaha ciidanku maalin walba wuxuu sheegaa in uu soo dagaalamay, adduunka halkee lagu arkay nin ku leh xorriyad u dagaalan baan ahaa, oo haddana ku leh xorriyaddiina ma dhaqaajin kartaan” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Khaliif oo ka soo baxay Xisbiga UCID.

Xildhibaanku wuxuu shacabka ugu baaqay in aanay cabsan, isagoo sheegay in ay ka mucaarad ahaan qaban doonaan mudaharaad nabadgalyo “Dadka waxaan leeyahay waxba yaan la idin bajin, mudaharaadkaasi wuu dhacayaa, si nabadgalyo ah ayuuna u dhacayaa”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Xildhibaan Khaliif.

Xildhibaannada oo shalay si wada jir ah Saxaafadda ula hadlay, waxay sheegeen ka xildhibaano ahaan in ay yihiin muwaadiniin u dhaartay dadka, isla markaana aanay ogolayn in wax yar oo nabadgalyo daro ahi ka dhacdo Somaliland, laakiinse ay wax sharci ah uun samaynayaan.

Waxay ku doodeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu doorasho diyaar u yahay, waligiina uu u ahaa, laikiinse uu la xintamayo guddoomiyaha cusub ee uu xisbiga Waddani yeeshay ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla-markaana uu Madaxweynuhu is beddelay markii uu Xirsi noqday Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa isku khilaafsan doorashooyinka Madaxtooyada iyo furista Ururrada siyaasadda ta soo horraynaysa. Xukuumadda ayaa doonaysa in doorashada Ururradu ka horrayso ta furista Ururrada siyaasadda, halka Xisbiyada WADDANI iyo UCID doonayaan in doorashada Madaxtooyada xilligeeda lagu qabto, laakiin Mudaharaadka Xildhibaannadu taageereen ayay Mucaaradku ku baaqeen markii ay fashilmeen Wada-hadallo xal loogu raadinayey khilaafka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office