Safiirkii Maraykanka U Joogay Itoobiya Oo Sheegay In Somaliland Ka Mid Noqonayso Dalalka Beesha Caalamka

0
516

Hargeysa (Geeska) – Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey dalka Itoobiya Ambassador Tibor Nagy, ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid noqon doonto beesha caalamka, taasi oo macnaheedu tahay in dhawaan la aqoonsanayo.

Naggy oo Markii uu hadalkaa sheegayey qoslayey ayaa sheegay in Soomaalida qaarkood ay ku eedeeyeen in uu lacag ka qaato dawladda Somaliland, sidaa awgeedna uu qaddiyadeeda ugu doodo.

Laakiin, wuxuu sheegay in taasi aanay suurto-gal u ahayn Siyaasiyiinta Maraykanka, maaddaama buu yidhi Qofka doonaya in uu lacag ka qaato waddan kale, isaga oo Maraykan ah, sharciga Maraykanku uu dhigayo in uu isku diwaangeliyo in uu yahay wakiil u shaqeeya waddan kale ama uu xabsi galo.

“Dadka isku Diwaangeliya inay u shaqeeyaan waddan iyagoo Maraykan ah iyo dadka carruurta galmada la sameeyaa, labadaba lagama qariyo shacabka Maraykanka, liiskoodana kuma jiro..” ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy oo u warramayey Telefiishanka Dalas ee laga leeyahay dalka Maraykanka.

Ambassador Tibor Nagy oo sidoo kale qoraal daba socday Waraysiga uu bixiyey ku daabacay Boggiisa Twitter-ka, ayaa sheegay In Somaliland tahay Dawlad shaqaynaysa isla-markaana xornimadeeda qaadatay Toddobaad ka hor Xornimadii uu Talyaanigu siiyey Soomaaliya 1-dii July 1960-kii, sidaa darteed uu kiiskeeda Aqoonsi-raadintu sharci yahay “Faraqa weyn ee Somaliland (kaga duwan tahay Soomaaliya) waa inay tahay Dawlad shaqaynaysa, taasi oo xornimadeeda qaadatay Toddobaad ka hor Xornimadii uu Talyaanigu siiyey Soomaaliya, sidaas darteed kiiskeeda (Aqoonsi-raadintu) waa sharci..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office