Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Sannadkan Aanay Xoolo U Dhoofi Doonin Sucuudiga, Kaddib Markii Boqortooyadu Ku Xidhay Shuruud Soomaaliya Ah

0
708

Hargeysa(Geeska)- Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga  Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa ku dhawaaqay in dalka Sucuudigu uu shuruud ku xidhay xoolaha Somaliland ka dhoofayaa inay soo ansixiso Somaliya.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay In  xukuumada Somaliland iyo ganacsatada dalka  oo isku yimi ay ka soo horjeesteen shuruudan cusub isla markaana aan sanadkan xoolo dalka ka dhoofayn.

Wasiir Gaafaadhi ayaa shacbiga u soo jeediyay inay xaaladan adag ay iimaansadaan isla markaana aanay qaranimadooda ku iibsan socodka xoolaha, waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu xafiikiisa ku qabtay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Marka hore Sucuudigu waxa uu ogolaaday in xoolihii xajka la fasaxo waxaanu keenay warqad muujinaysa in xoolihii xajku ay fasax  yihiin waxay warqadani wadataa shuruudo khaas ah oo intooda badan ay yihiin kuwo caafimaad shuruudaha caafimaadku waa kuwo hore u jiri jiray iyo kuwo lagu soo kordhiyay, waxa waajib ah shuruudaha caafimaadka  inay wasaaradu dhamays tirto oo buuxiso si ay xoolahaasi ay ugu gudbaan Sucuudiga, waxay wasaaradu awood u leedahay shuruudahaas kuwii hore u jiray iyo kuwa la soo kordhiyayba inay fuliso oo dusha u ridato sidii loo dhamaystiri lahaa.”                                                                                                                          Waxa uu wasiir Gaafaadhi ku dhawaaqay shuruuda la soo kordhiyay“ hal shuruud oo siyaado ah oo aynaan hore u arki jirin ayaa sanadkan ku jirta, mudaba waxa jiray rag wareegaya oo qorshahoodu ahaa inay lacag siyaado ah ka dul qaadaan xoolaha iyaga oo u maraaya qaab ururo fayo dhawrka ilaaliya ama inay dawlada fadaraalka ah ay dhabarka galiyaan oo ay la xidhiidhaan dawlada Sucuudiga taas oo u saamaxaysa inay lacag siyaado ah ku qaataan lacagta caafimaadinta, waxa warqadan la socota oo uu Sucuudigu soo raaciyay in warqada ugu danbaysa ee caafimaadinta ee xoolaheena ay bixin doonto dawlada fadaraalku, waxana marka hore u sheegaynaa Somaliland iyo dawlada fadaraalka ah ee Somaliya inay yihiin laba dawladood oo kala duwan wax iskaga jiraana aanay jirin qaybna aanay Somaliland ka ahayn fadaraalka ee ay tahay dawlad xornimadeedii la soo noqotay, waa marka labaade horena umay dhicin in warqad Xamar laga keenay ay xoolaheenu ku dhoofaan hadana mid dhacaysa maaha waxaanu u sheegaynaa cid kasta oo arintan ay khusayso in aan xoolo ka dhoofa dekadaheena oo sita warqad laga sameeyay dawlada fadaraalka, xoolaheenu ama sidii ay u dhoofi jireen ee aynu sharciga u siin jirnay ayay ku dhoofayaan ama xoolaheena waynu haysanaynaa, hadii aanu Sucuudigu u baahnayna ama aan xajka looga baahnayna inaguna xaalaheena awalba waa ay xidhnaayeen Sucuudiga oo xajka ayuunbaa la furi jiray, xoolaheenu mawsimka xajkana way caafimaad qabaan marka uu xajku dhamaadana way xanuunsanayaan ayaa la yidhaahdaa oo  waa  la xidhi jiray, hadana hadaan loo baahnayan xoolaheena anaguna uma baahnin in qaranimadeena aan ku biibsano xoolaha socodkooda,waxaanu u sheegaynaa shacbiga inay arinkaas ogaadaan oo ay ku baraarugsanaadaan waxaanu arinkaas isla qaadanay xukuumad ahaan iyo ganacsatada xoolahaba oo mawqifkaas ayaanu wada qaadnay, shacabkana waxaan u sheegaynaa inay sidaas iimaansadaan oo ay qadiyadooda ka horumariyaan waxyaabaha lagu dagaayo ama lagu dhaawacaayo qaranimadooda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here