“Nidaamka Xisbiyada Hadda Jiraa U Doortaan Hoggaankoodu, Waa Nidaam Kalitalisnimo.”

0
489

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka cusub ee Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Dalka iyo dadka u leedahay in Tobankii sano hal mar la furo Ururrada siyaasadda.

Mujaahid Dirawal oo khudbad dheer ka jeediyey Xaflad uu kaga dhawaaqay Urur Siyaasadeed Mgaaciisu yahay Horseed, ayaa sababta ay ururkan u aasaaseen tahay in Xisbiyadii hore u jiray noqdeen kuwo ku dhisan is xulafaysi reereed.

Mujaahid Dirawal oo sharraxaya sababat u aasaaseen Ururkan ayaa yidhi “Sababta ugu horraysaa ee dhiirigalinaysa furitaanka ururkani waa sida xeerarku dhigayaan ee ah in la gaadhay waqtigii 10ka sanno ee waajibka ahayd in la furo ururo siyaasadeed oo cusub, si aanay tallada dalku kooto ugu noqon koox gaara ah. Sababta labaad ee aasaaska urrurkani waxa weeye in xisbiyadeenii hore ay noqdeen qaar ku dhisan siyaasad xulafaysi reereed iyo gobolaysi aan Somaliland u wadin dariiq badhaadhe leh, balse ku hagi karta qaran jab iyo is nacayb dadka walaalaha ah ee dalkan wada leh.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Xisbiyadeenii hore waxay noqdeen qaar aan shacabka cod ku waydiisan qorshayaal cad oo ay fulin doonaan. Waxay noqdeen qaar qayladoodaa, is qabqabsigooda, doodooda iyo dagaalkoodu uu salka ku hayo kaliya wax la xidhiidha doorasho oo aan waligood isku qabsanin kana talin baahiyaha bulshada ee jira sida abaaraha, Sicir-bararka, caafimaad-darrada iwm. Haddii aad u fiirsato hannaanka ay xisbiyadeena hadda jiraa hoggaankooda u doortaan, waxaad arkaysaa inuu yahay nidaam baal marsan wax wada lahaansha, wadaniyadda iyo dimuqraadiyadda. Waa nidaam kalitalisnimo oo aan oggolayn isla xisaabtan iyo tartan daah-furan oo hoggaanka xisbiga loo galo. Isku soo wada duub oo xisbiyadeenii hore waxay iskugu biyo shubteen xisbiyo ku astaysan qabyaalad iyo qoqob, aragti gaabni iyo bilaa qorshe, kalitalisnimo iyo meherado rag gaar ahi leeyihiin. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in la helo xisbiyo siyaasadeed oo leh aragti mustaqbal oo fog, qorshayaal cad, nidaam talo wadaag, iyo taageero shacab oo ku salaysan midnimo bulsho…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office