Soo Saaraha Filimkii Aflagaadaynayey Nebiga (SCW) Oo Kacbada Horteedad Ka Ballan Qaaday Filim Islaamiya

14
660

Picture3Makah (Geeska)-  Filim-soo-saarihii reer Holland ee allifay filimkii lagu aflagaadaynayey Nebi Muxamed (SCW) oo  muslimay sannadkanna ka mid ahaa muslimiintii nasiibka u yeelatay in ay gutaan waajibaadka Xajka ayaa la sheegay in tan iyo maalintii uu xajka u yimi magaalada Makah aanay mar keliya indhihiisu ka qallalin ilmada ka hooraysa, mar wax laga weydiiyey is beddelka noloshiisana waxa uu sheegay in uu hadda ku nool yahay noloshiisii abid ugu quruxda iyo farxadda badnayd.

Van Doorn waxa uu sheegay in uu dhowaan soo saari doono Filim Islaamiya oo uu ku tirtirayo xumaantii iyo ceebayntii ka buuxday filimkiisii hore waxa aanu filimkan dambe ugu magac daray, “Sayidkii Basharka” oo uu uga jeedo Nebi Muxamed (SCW). Arnold Van Doorn oo hadda magaciisa koowaad ka dhigay Arnaa’uud waxa uu shegay in filimka uu soo wadaa uu yahay mid uu doonayo in uu si ficil ah uga cudur daarto filimkiisaa hore ee uu sameeyey intii aanu muslimin.

Arnaa’uud oo la hadlay wargeyska Alcukaaz ee ka soo baxa dalka Sucuudigu waxa uu sheegay in uu Islaamka ka helay shucuurtii ay abidkiiba noloshiisu tabaysay, marka uu noloshiisii hore qiimeeyana uu isu arko in uu ahaa sida nin doonaya in uu hawada gacantiisa ku qabto (Khayaali ku socda). Arnaa’uud waxa uu sheegay in uu xajka u yimi si uu uga toobad keeno dembigii uu galay, isla markaana u soo ducaysto in uu Alle diinta Islaamka ku sugo una dambi dhaafo. Arnaa’uud Van Doorn isaga oo arrimahaas hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa aan dhex joogaa qalbiyadaa muuminka ah ee halkan isugu yimi, waxa aanan Alle ka baryayaa in uu oohinta iyo khushuucdayda igaga dembi dhaafo wixii aan hore u galay” Arnaa’uud oo ka hadlaya waxa uu hadda kadib damacsan yahay ayaa yidhi, “Marka aan Xajka ka noqdo, waxa aan soo saarayaa filim aad u weyn oo u adeega diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah, Filim ka sheekaynaya akhlaaqdii Nebgii naxariista (SCW)”

Isaga oo si kooban uga hadlaya sidii uu diinta Islaamka ku soo galayna waxa uu yidhi Arnaa’uud, “Muddo waxaa igu jiray xiise xooggan oo aan u qabo in aan wax ka barto Islaamka” waxa aanu sheegay in uu aad u akhriyey kutub Islaamka ka warramaysa, illaa aakhirkii ay saamayn ku yeesheen go’aanna uu ku gaadhay in uu muslimo.

Van Doorn oo intii ka horreysay bishii Laba iyo Tobnaad 2011ka markii uu muslimay, ahaan jiray siyaasi awood badan oo guddoomiye ku xigeen u ahaa xildhibaannada ka soo baxay xisbiga PVV ee golaha deegaanka magaalada Hague ee dalka Holland, isla markaana ahaa ninkii allifay Filim dunida muslimka aad uga cadhaysiiyey ee sida foosha xun u aflagaadaynayey Nebi Muxammed (SCW), ayaa mar keliya dadka kaga yaabiyey bilowgii sannadkii 2012ka  markii uu booggiisa twitter ka ku qoray Ashahaadda oo ku qoran afka carabiga. Van Doorn oo 46 jir ahi waxa uu markiiba ka baxay xisbigii uu ka tirsanaa  ee Wilders Party oo ah xisbi xagjir ah oo si aad ah u neceb Islaamka, waxa aanu noqday xildhibaan madax bannaan. Muslimidda Van Doorn waxa ay noqotay mucjiso cabsi gelisay dad badan oo diinta Islaamka wax ka sheeggeeda ku degdega waxa aanay noqotay tusaale cad oo muujinaysa sida ay diinta islaamku u tahay xaq.

Comments are closed.