Maxamed Xaashi Muxuu Ka Yidhi Maalmaha Qaran Ee Ay Xukuumadu Mucaaradka U Diido?

1
589

Picture4Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, xubinna ka ah Madasha Wadashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo Khamiistii laga hor istaagay inuu ka hadlo Munaasibad lagu xusayay Maalinta Shuhadada SNM ee 17-ka October, taas oo ay ku keliyaysteen wasiirada xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu sheegay inay khalad tahay in maalmaha qaran ee dadku u wada siman yahay ay cidi si gaar ah isugu shaabadayso xuskeeda, isagoo sidoo kalena tilmaamay inuu isagu xuskaasi oo lagu qabtay hoolka shaqaalaha dawladda uu ugu qayb-gali waayay isaga oo ogaa inaan hadal laga siinayn.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo xalay Wargeyska Geeska Afrika khadka Telefoonka ku waydiiyay sida uu u arko xuska ka hadalkiisa loo diiday Xasan Guure Jaamac, ayaa ku jawaabay “Waxa jira maalmo qaranku leeyahay, 18-ka May baa ka mid ah, 17 October baa ka mid ah, Maalmaha caynkaas ahna Mucaarad iyo Muxaafid waa la wada leeyahay, maaha inay cid u diidaan, weliba dadka Mudakarka ah ee ka soo qayb-galay inay ka joojiyaan maaha” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu fariin u diray Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) “Markaa sidaa ay u dhaqmayaan sidii waajibka ahayd maaha, waxaanu Madaxwaynaha ka rejaynaynaa inuu arintaa saxo”

Maxamed Xaashi Cilmi, oo la waydiiyay sababta uu isagu uga qayb-gali waayay xuskan 17-ka October ayaa ku jawaabay “Annigu kamaan qayb-galin, waxaanan u tagi waayay waxaan ogaa markaan meesha tago inaanan hadlayn oo aan la ii ogolayn” ayuu yidhi.

Comments are closed.