Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Oo Awood Siinaya Taliyayaasha

0
624

Picture2Hargeysa(Geeska):-Mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa meel mariyey xeerka xabsiyada oo dhawaan dib ay guurtidu ugu soo celisay golaha wakiilada. ka dib markii ay wax ka badal iyo kaabisba ku soo sameeyeen qodobo ka hadlaaya heerka awoodeed ee ay yeelanayaan ciidmada xabsiyada dalku.

Fadhi ay shalay yeesheen mudanayaasha wakiiladu oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), sida oo kalena ay ka soo qeyb galeen xildhibaanada aqalkaasi ayaa ka dib markii kooramka golahaasi buuxsamay waxaa mudanayaasha loo qeybiyey xeerka Xabsiyada dalka .

Waxaana ay mudanayaasha aqalka wakiiladu ay hoos ugu daadageen falanqeynta qodobka 22-aad ee xeerka xabsiyada oo golaha guurtidu wax ka badal iyo kaabisba ay ku soo sameeyeen, waxaana ay badiba xildhibaanadu dood dheer ka dib ay isla qaateen in qaabka ay wax ka badalka guurtidu xeerkan ugu soo sameeyeen uu ahaa mid sax ah.

Ugu danbayntiina Waxaa ay mudanayaasha aqalkaasi ka dib dood dheer iyo falanqeynba ay xeerkaasi u daadageen gudagalka sidii loo ansixin lahaa, waxaana ay badiba mudanayaashii halkaasi ka soo xaadirey ay xeerkaasi u ansixiyeen qodob qodob, waxaana halkaasi lagu meel mariyey xeerka xabsiyada dalka oo badiba awood siinaya taliyeyaasha ciidamada xabsiyada dalka.

Dhanka kale golaha guurtida Somaliland ayaa iyaguna ansixiyey xeerka Komishanka  iyo xakameynta Aids oo isaguna ka hadlaaya xeerarkii lagu xakayn lahaa fiditaanka cudurka dilaaga ah ee Aids iyo sida oo kale xeerkii lagu dhaqi lahaa hay’adda la dagaalanka cudurka Aids.waxaana ay mudanayaasha guurtidu ay iyaguna si toos ah xeer kaasi ugu meel mariyeen si aqlabiyad ah.