Sonkorta Samayska Ah Ee Dadka Macaanka Qabaa Ay Isticmaalaan Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka

0
883

London (Geeska)- Xeeldhereyaal ka tirsan jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska ayaa ka digay khatar caafimaad oo ka dhalan karta nooc sonkorta ka mid ah oo caan ku ah in lagu macaaneeyo qaar ka mid ah cabbitaannada warshadaysan sida sharaabbada aan sonkorta lahayn iyo xanjadaha aan iyadana sonkorta lagu darin.

Noocan sonkorta ah oo loo yaqaanno ‘Aspartame’ waxa ay leedahay magacyo kala duwan oo ay warshadaha soo saaraa ula baxeen, laakiin magaceeda rasmiga ahi waa Aspartame oo ka turjumaya samayskeeda.

Eric Milston iyo Elizabeth Dawson oo ah laba xeeldheere oo cilmibaadhis ku sameeyey khataraha caafimaad ee ay sonkortani keeni karto ayaa sheegay in uu goldaloolooyin badan lahaa go’aankii sannadkii 2013 ka ay sii deysay hay’adda badbaadada cuntada ee Midowga Yurub, kaas oo sheegayey in sonkorta Aspartame aanay wax dhibaato caafimaad ah keenayn.

Waxa ay labada khabiir hay’adda badqabka cuntada ee midowga Yurub ku dhaliileen in ay go’aankaas qaadashadiisa u cuskadeen natiijada daraasad ay sheegeen labada khabiir in ay aad u daciif ahayd.

Eric iyo Elizabeth oo u warramayey wargeyska New York Post ee ka soo baxa dalka Maraykanku waxa ay hay’adda ku eedeeyeen in ay iska indhatirtay daraasado tiro badan oo caddaynayey in sonkortani ay khatar ku tahay caafimaadka.

Eric oo isagu mar kale la hadlayey waregeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay dad tiradooda lagu qiyaasayo 250 ruux oo ay xeeldheereyaashu baadhis ku sameeyeen ay qireen in sonkortani ay ku keentay dhibaatooyin caafimaad. Kuwaas oo ay ka mid tahay caafimaad darro dhinaca neerfeyaasha ah.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna ka digay in sonkorta samayska ahi ay mustaqbalka fog qofka ku keento Khalkhal dhinaca xarakaadka xubnaha ah. khalkhalkaas oo ay xeeldheereyaashu ku xidhiidhiyeen Khalkhal ay sonkortani marka hore ku keento caafimaadka caloosha iyo midhicirada.

Aspartame waa mud macaan samaysa leh oo sonkorta caadiga ah ka macaan 2 boqol jeer laab, laakiin haddana Kalooriska ku jiraa ay ka yar yihiin xaddiga ku jira sonkorta caadiga ah. waxaa inta badan lagu daraa dhammaan cabbitaannada ay ku qoran tahay in aanay sonkor lahayn, oo inta badan ah kuwa loogu talagalay dadka macaanka qaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here