Aamus Dheer Kaddib, Pakistan Waxay Qiratay In Ay Maraykanka Siisay Xogtii Lagu Dilay Usaama Bin Laadin

0
1101

Islamabad (Geeska)- Raysalwasaaraha dalka Baakistaan Cimraan Khaan oo waraysi siiyey talefishanka Fox News ayaa Isniintii 22-ka Julaay sheegay in sirdoonka Baakistaan uu wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA siiyey xogta suurtagelisay in la helo, kaddibna la dilo aasaasihii ururka Al-Qaacida Sheekh Usaama Bin Laadin.

Cimraan Khaan oo hadda booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in maamulkii sirdoonka Baakistaan uu ahaa cidda Maraykanka siisay xogtaas muhiimka ah ee ku aaddan Usaama Bin Laadin.

Hadda ka hor, siddeedii sano ee ka soo wareegay dilka Usaama bin Laadin, waxa ay dawladda Baakistaan ku celcelinaysay diidmadeeda ah in xogta Usaama Bin Laadin siisay Maraykanka oo muddo toban sano ka badan raadinayey Usaama Bin laadin oo uu eedaynayey in uu ka dambeeyey weerarradii diyaaradaha loo adeegsaday ee 11 Sabtembar dalkiisa ka dhacay.

Dawladda Baakistaan ayaa marar kala duwan hore u beenisay ni ay bixisay xogtaas Maraykanka ku hoggaamisay guri ay Usaama iyo qaar ka mid ah qoysaskiisu deggenaayeen oo ku yaallay magaalada Abottabad oo qiyaas boqol kiiloomitir oo keliya ah dhinaca woqooyi ka xigta magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Islamabad.

Xogtan ayaa la sheegayaa in sirdoonka Baakistaan uu ka helay taleefanno ay ku xidhiidhayeen gacanyareyaasha Usaama Bin Laadin oo la dhegeystay.

Asad Daraani oo ah janaraal hawlgab ah oo intii u dhexeysay 1990 kii illaa 1992 kii madax ka ahaa sirdoonka Baakistaan ayaa isagu hore u sheegay dareenka uu ka qabay in ay dawladdiisu bixisday sirta lagu dilay Usaama, laakiin xukuumadda iyo masuuliyiinta sirdoonka ee dalkaas ayaa beeniyey.

Buug uu janaraalku qoray oo soo baxay sannadkii 2018 ka ayaa uu ku sheegay in sida ay u badan tahay ay tahay in Baakistaan ay Maraykanka siisay warka Usaama Bin Laadin, kaddibna ay ku andacootay in aanay waxba arrintaas ka ogeyn, maadaama oo ay ka cabsi qabtay in Maraykanka oo ay u fududayso dilka ninkaasi ay Sharaf dhac ku noqoto dawladnimadeeda. Waxaa markaba dhalan lahaa dareen ah sababta ay Baakistaan iyadu tallaabo uga qaadi weyday Usaama Bin Laadin ee ay Maraykanka ugu ogolaatay in uu tallaabo kaga qaado dalkeeda dhexdiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here