SOMTEL Oo Xarun Ka Furatay Degmada Salaxley

0
511

 

Picture4Salaxley(Geeska)-Shirkadda SOMTEL ayaa xafiis balaadhan ka furatay degmada Salaxley.

 

Xafladaas oo si weyn loo soo agaasimay, waxa ka qayb galay maareeyaha shirkadda SOMTEL Cawil Saalax Cabdi, Sheekh Xasan Aadan Xasan oo ah wakiilka Dahab Shiil ee degmada Salaxley, guddoomiyaha hay’adda abaabul ka saarka Jamaal Cadiid Ibrahim, Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, guddoomiyaha Salaxley iyo marti kale.

Maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay farxadweyn iyo sharafba u tahay inay masuuliyiinta ka kooban Salaadiinta  iyo bulshada kaleba ay u soo dhaweeyeen shirkadda Somtel “maanta waxaan meel ku qortay inay dadka reer Sllaxlay yihiin bulshada ugu wanaagsan intaana waan sii gudbindoonaa” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi “halkan waanu soo dagin doonaa waxaanan rajaynaynaa inaanu beerahana wax ka qodan doono geelana dhaqan doono waayo Sallaxley waa xaruntii lagu tuhmayey inay ku dhaqanyihiin dadkii laga soo gaadhay Afka Somaliga” ayuu yidhi maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi.

Maayarka degmada Salaxley iyo guddoomiyaha dhallinyarada ee degmadaas, oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xafiiska cusub ee ay SOMTEL ka furatay Salaxley. Waxa kale oo iyaguna xafladaas hadalo ka jeediyay masuuliyiin iyo madaxdhaqameed soo dhaweeyay xafiiska SOMTEL ee salaxley.