Hay’adda Mercy Corps Oo Tababar U Furtay 30 Dhalinyaro Ah

0
3990

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Hay’adda caalamiga ah ee Mercy Corps ayaa Axadii ka furtay Hotel-ka Emperial ee magaalada Hargeysa, tababar socon doona mudo shan (5) cisho ah kuna saabsan kobicinta garaadka dhalinyarada iyo hal-abuurka ganacsiga, waxaa furitaankii tabaarkan kasoo qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisak JSL oo uu ugu hor-kacayo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi. Tabarkan oo qayb ka ah mashruuca horumainta dhilinyarada oo lagu magaabo KALKAAL (Kaalmeeyaha dhalinta) waxa maalgelisa USAID.

Tabarakan waxa ka qayb galay 30 dhalinyar ah oo ka kala yimi gobolada Awdal iyo Saahil. Agaasimaha guud ee wasaarada Dhalinyarada, Md. Mustafe M. Qodax oo furintaankii tababarkan ka hadalayey ayaa dhalinyarada kusoo dhaweeyey casimadda, kulana dardaarmay inay ka faaidaysataan tababarkan ahaa. Agaasimaha guud wuxuu sidoo kale ku carabka ku dhuftay in ay wasaarad ahaan wada-shaqayn fiicani ka dhaxayso hay’ada Mercy Corps gaar-ahaan horumarinta iyo tababarada dhalinytaradda Soomaaliland, isagoo uga mahad-naqay taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagan yihiin dhalinyarada.

Tabarkan oo daba  socda tabaaro ka horeeyey oo dhalinyaradani ku soo qaateen magaalooyinka Borama iyo Berbera, waxa si gaar ah ka qayb-galayaasha loogu diyaarin doonaa in la baro hal-abuurnimada ganacsiga (Entreprenuership) iyo kobcicinta waaya aragnimada, garaadka iyo is-ku-filaanshaha bani-aadamka.

Sidoo kale, waxaa furitaankii tababarkan ka hadlay Mohamed Abdillahi iyo Jaamac Ismail oo ma mid ah masuuliyiinta hay’ada Mercy Corps (oo Mashruucan fulinaysa) iyagoo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedada tababarkan oo ah sidii dhalinyarada Soomaaliland ula tartami lahaayeen dhalinta dhigooda ah ee wadamada aduunka marka ay noqoto dhinaca xirafadaha iyo hal-abuurnimada ganacsiga (Life Skills and Entrerprenuerhip). Waxana ay tilmaameen in tababarkani ka mid yahay mashruuca horumarinta dhilinyaradda ee ay maal geliso USAID. Masuuliyiintani waxay sidoo kale u mahadnaqeen wasaarada Dhlinyarada oo gacan joogta ah ka geysta fulinta hawlaha horumarineed ee dhalinyarada.

Waxa isna xaflada furintaank goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee WDHC&D, Mr. Sayid Cumar iyo Abdisamad Ali Awaale oo ah daadihiyaha tabarkan.

 Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa iyana muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay nasiib u heleen tabarkii labaad oo is-daba-joog ah oo ay Hay’ada Mercy Corps siiso mudo gaaban gudahood, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in ay wax weyn ka bedeli doonaan noloshooda iyo mustaqbalkoodaba.