Col. Cumar-yare Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Madaxweynaha Ee Shirka London

0
3715

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Col. Cumar Maxamed Nimcaale, oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay go’aanka uu ku qaadacay ka qayb galka shirka London ee bisha May.

Col. Cumar, oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka Madaxweynaha Somaliland, “Waxaan doonayaa inaan Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyo go’aanka uu ka gaadhay shirka London, waxaanan leeyahay Madaxweyne hambalyo go’aan wadaniyadeed ayaad qaadatay.” Ayuu yidhi Col. Cumar, oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee lagu majeerto inay hayaan taariikhda Somaliland iyo Somaliya.

Col. Cumar, wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay in shirkaas bisha May uu gaar u yahay dalka Somaliya, mar haddii ay wada guddoominayaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriisku.