Somaliland: Xanuunka Covid_19 Oo Saddexdii Maalmood Ee U Dambeeyay Soo Ritay 86 Qof, Inta U Dhimatay Iyo Cabsida Jirta

0
630

Hargeysa (Geeska) – Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday Somaliland 24-kii Saacadood ee u dambeeyay, taasina waxay tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysa 17 Qof.

Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay Xanuunka laga helay  14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof.

Sidaana waxa Shalay Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19 la wadaagay Warbaahinta.

“24-kii Saacadood ee u dambeeyay waxa baadhitaan loo sameeyay 54 Qof, 54-kaa baadhitaanka loo sameeyay waxa Xanuunka laga helay 14 Qof, Dadkaa 8 ka mid ahi waa Rag, lixna waa Haween.”ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dhammaan 14-kaa Qof ee laga helay Xanuunku waxay joogaan Magaalada Hargeysa.

Agaasime Xergeeye waxa kale oo uu tilmaamay “Dadkaa da’doodu waxay u dhaxaysaa da’da 20 jir illaa 29 jir oo 3 qof ayaa da’daa ah, 30 jir illaa 39 jirna laba Qof ayaa ah, 40 illaa 49 jirna Saddex qof ayaa ah, 50 illaa 59 jirna 3 Qof ayaa ah, 60 illaa 69 jirna 2 ayaa ah, 70 illaa 79 jirna 1 Qof ayaa ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Tiradaa aynu helay waxay ka dhigaysaa Wadarta guud ee Dadka Xanuunka laga helay illaa imika 217 Qof, Tirada Dadka illaa hadda xanuunka ka bogsatay waa 21 Qof.”

Agaasimuhu waxa kale oo u uu War-bixintiisa Maalin laha ah ku sheegay in laba Qof ay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay Dalka ugu Geeriyoodeen Xanuunka Covid_19 , waxaanu yidhi  “Ilaahay ha u naxariisto, Tirada dhimashada laba Qof ayaa ku biiray, hal Qof oo Hargeys ah iyo Hal Qof oo Boorama ah, taasina waxay Wadarta guud ee dhimashada ka dhigaysa 17 Qof.”

Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ayaa waxa uu Somaliland Xanuunku ku soo ritay Dad gaadhaya 86 Qof, halka ay tirada dhimashaduna gaadhay 17 Qof.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Maalintii labaad ee Ciidda Soon-fur waxay shaacisay in Xanuunka laga helay 37 Qof, Maalintii ku xigtayna 35 Qof, halka Salaasadii Shalayna la shaaciyey in Xanuunka Covid_19 laga helay 14 Qof oo cusub.

Cabsida laga qabo xanuunka Covid_19 waxa sii xoojinaya inuu u gudbay Carruurta, maaddaama oo 86 Qof ee laga helay Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay uu ku jiro ilmo 10 sano jir ah, halka Dadka kale ee uu ku dhacayna u badan yihiin da’da u dhaxaysa 20 illlaa 29 jir, 30 illaa 39 jir, da’daasi oo ah ta ugu badan Bulshada Somaliland.