Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Jeediyey In Dib Loogu Noqdo Guddiga Covid_19

0
841

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa u soo jeediyey in dib loogu noqdo Guddiga u diyaar-garowga iyo la dagaalanka Xanuunka Covid_19 ee Somaliland, kuwaasi oo Xisbiga eedaymo u jeediyey.

Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in 30 sanadood ka dib Cisbitaallada Somaliland loo dawero Gaadiid Ambalaasyo ah oo loogu adeego.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo Salaasadii Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xanuun xun oo Dunida ku faafay ayaa innagana faro-baas innagu haya,  Dadkeennii ayaa Xanuunkaa u dhimanaya, Dadkeenii baa sababta xanuunkaa u shaqo beelaya, faqrigii baa kordhaya, Gobol kasta oo Somaliland ah qaylo ayaa ka soo yeedhaysa.”

Xoghayaha guud wuxuu toos ula hadlay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Madaxweyne, Maanta oo kale maaha Maalmihii la isdifaaci jiray, Maanta oo kale maaha Maalmihii la is adkayn jiray, Maanta oo kale maaha Maalmihii ku jiqsiida iyo doodda iyo maxaa khaladkayga loo arkayaa ama loo sheegayaa, Madaxweynaha waxa laga rabaa inuu qaado Tallaabooyin waaweyn oo muuqda oo Dadka Raalli-geliya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu dhaliilay Guddiga Heer Qaran ee ka hor-tagga Covid_19 “Saddex bilood ka dib, waxaynu aragnaa in Guddigii (ka hor-tagga Covid_19) ay tamar beeshay, waxaynu aragnaa in illaa Maanta ay Guddigu Tahli kari wayday inay Cisbitaalladeenu wada helaan Ogsajiintii ay u baahnaayeen.”

Xoghaye Khadar waxa uu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland “Madaxweyne, Cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu kuu jiraa 200 Tallaabo, waa waajib ku saaran waxa Dadku sheegayaan ee Maalin walba laga hadlayo inaad baadho oo aad Dadka u soo bandhigto. Maalin walba waxaynu aragnaa Qof Xanuunsanaya oo Cabanaya, waxaynu aragnaa Qof uu dhintay Qofkiisii uu jeclaa oo cabanaya oo dayac ka cabanaya, dunida kale, marka Qof dayac u dhinto Ciddii dayacaa sababtay tallaabo ayaa laga qaadaa, markay ugu yar tahay xilkooda ayay ku waydaa, Dadkaa maxaad ugu jawaabaysaa, kumanaanka kale ee wer-werka qaba ee Maalin kasta hadlaya Maxaad Madaxweyne ugu jawaabaysaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu soo jeediyey in dib loogu noqdo Arrinta Guddiga ka hor-tagga Covid_19 “Waxaanu soo jeedinaynaa arrinta guddigaasi in dib loogu noqdo, guddigaas laba Mushkiladood oo waaweyn baa haysta, mushkiladda koowaad waxa weeyaan Guddigaasi malaha Xirfad Caafimaad, mushkiladda labaadna waxa weeyaan Guddigaasi malaha Xirfadda ah sida loo Maamulo marka Mushkilado waaweyni ay dhacaan, Dacfiga Dawladnimadeena waxa muujinaya in 29 Sanadood ka dib Burco loo dawarayo Gaadhi Ambalaas ah, ceebbay innagu tahay in Maanta Cisbitaalladeena Ambalaasyo loo dawaro, inaga oo Cashuurta bixina, Sanad walbana ay Dawladdeenu tidhaahdo Miisaaniyadda Dawladdu way korodhay.”

Xoghayuhu waxa kale oo uu ka hadlay Lacago Guddiga Covid_19 looga saaray Qasnadda Dawladda “Intii hawshani socotay Qasnadda Dawladda Lacag baa laga saaray oo loo dhiibay Guddiga si ay u maamusho, sidoo kale Dad badan oo ka mid ah Dadkeena Muxsiniinta ah iyo Ganacsatada oo ay ugu horreeyaan Telesom, Dahabshiil iyo World Remit, intuba Taakulo weyn ayay ka geysteen arrintan, sidoo kale Hay’ado Caalami ah ayaa Taakulo ka geystay, Madaxweynaha iyo Guddigaba waxa laga doonayaa sababta illaa hadda looga cabanayo Ogsajiin la’aan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey  “Lacagtaasi halkay tagtay, sida loo isticmaalay iyo waxa loo qorsheeyay inta aan la isticmaalin waa laga sugayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda.”

Xoghayuhu wuxuu ka hadlay dood Maalmihii u dambeeyay ka socotay waxay Somaliland qabsatay 29-kii Sanadood ee u dambeeyay, waxaanu yidhi “Maxaynu qabsanay Illaa 1991-kii ?, Qofka yidhaahda waxba maynaan Qabsanin been buu sheegayaa, wax badan baynu qabanay, dib u heshiisiintii Beelaha ayaynu samaynay, Haykal Dawladnimo ayaa la dhisay, Boolis iyo Millateri oo Hay’ado Qaran ah ayaynu dhisnay, Dastuur ayaynu samaynay, sidoo kale waxaynu aasaaska u dhignay dimuqraadiyad iyo doorashooyin aynu qabanay. Innaga oo halkaa taagan Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay dood sameeyaan, inay tabasho keenaan, inay waxa khaldan ka hadlaan, taana Dastuurkaa u jideeyay oo xaq u siiyey”

Xoghayuhu wuxuu sheegay in dhallinyarada doodda caynkaas ah qabtaa ay yihiin dhallinyaro Xirfadleyaal ah oo noloshooda debaray isla-markaana aanay baahi haynin “Dhallinyarada Maalmaha dhawayd baraha Bulshada ku doodaysay intooda badan ee aan arkayey waxay ahaayeen dhallinyaro shaqaysta oo noloshooda debaray, laakiin ay damqaysa dhibaatooyinka Cisbitaalladooda ka jira, faqriga dalkooda ka jira, Caddaalad-darrada iyo Dawladnimadii oo sii saqiiraysa, Dhallinyaradaa Jawaabta loogu jawaabayaa ma way iimaan beeleen baa..”?

Xoghayuhu wuxuu Xukuumadda u soo jeediyey inay doodda ay qabto Su’aalaha ay Bulshadu qabto la yimaaddaan Warbaahinta, si loogala doodo.