Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 5

0
688

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in saddex Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi oo Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Somaliland laga helay Saddex Qof oo qaba xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.

Saddexda Qof ee xanuunka laga helay ayaa 2 ka mid ahi ku sugan yihiin Hargeysa, halka ka saddexaadna uu ku sugan yahay Boorama.

Saddexda Qof ayaa ka mid ah 24 Qof oo Dhiig laga qaaday isla-markaana dalka dibeddiisa lagu soo baadhay.

Somaliland waxa hore looga helay laba Qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco, saddexdan Qofna waxay tirada Xanuunka qaba eek u sugan Somaliland ka dhigaysaa Shan Qof.

 

Geeska.net/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here